In mudo ah ayaan raadiyey xog ugu yaraan 13 sanno, waxaan helay wax badan laakiin waxaan hadda go'aansadey inaan in yar idiin hordhaco.
Soomaaliya waxay u baahan tahay seddax qodob.
1- In la dhiso qaybaha ciidamadii qaranka Soomaaliyeed uu lahaan jirey oo si ka sii addag Sidii hore loo dhiso.
Sababtu waxay tahay, ciidankaasi wuxuu ilaalinayaa sharciga guud ee Dalka. Sharcina ma shaqeyn karo haddaan la helin ciidan ilaaliya. Ciidana ma dhismayo haddaan la helin sharci addag oo xakameeya.
Ciidamada xiliyadii dambe la dhisey, looma dhiso qaab ciidan Qaran ahaan ee waxaa loo dhisaa Sidii ciidan gumeysi oo laaya shacabka kadibna iyaga islaaya. Waayo, ciidamadaasi sharci ay ilaaliyaan looma dhisin ee waxaa loo dhisey danaha hogaanka gumeysigaasi uu leeyahay. Ciidamada rasmiga ah waxay xiraan oo ilaaliyaan halka uu Ku nool yahay hogaamiyaha gumeysiga uu leeyahay...!! Igadaa intaan ka badan waxaan ka qaadayaa xanuun oo masii sharxi karo.
2- In la hello sharci addag oo Ummadda Soomaaliyeed ay Ku qanacsan tahay oo belad iyo baadiyo ay isku si u ilaalinayaan.
Qodobkan sharaxaadiisa, wuxuu qaadanayaa sannado...!
3- In la hello Garsoor caadil ah oo shaqadiisa lagu wada qannacsan yahay. Sababtoo ah, Garsoor caadil ah haddii la hello, wax kasta way shaqeynayaan amnidaro lagama baqayo oo ciidan ilaaliya ayaa jira. Amnidaro ma imaan karto haddii cadaaladdii shaqeyneyso. Wax kasta oo horumar ahna waa ski xoogeysanayaa oo waxaa lava baxayaa fakh-riga, jahliga iyo Caafimaad Derrida. Ma jirayo khilaaf iyo sheki imaankara. Waayo, ruux kasta wuxuu Ku qanacsan yahay in uu helayo cadaallad. Taasina waxay imaan kartaa in la hello ciidan, sharci iyo Garsoor shaqeeya oo cadaallad ah oo wada shaqeeya ee ma ahan in lagu mash-quullo meel aan xaqiiqadu jirin sida in lagu tartamo xill anaa qabanayo xilkaas iyo anniga idoorta.
Hogaan la bedello ama la doorto, dalku xilligan uma baahna ee wuxuu u baahan yahay intaas aan kor Ku soo xusey. Sababtoo ah, hogaankii LA doorto, wuxuu u dhaqmayaa Sidii taliye ciidan gumeysi. Waayo, sharci uu ka baqayo oo ilaalinaya ma jiro oo sharcigiiba in isagu yahay ayuu aaminsan yahay, ciidamada dhisana wuxuu ka aaminsan yahay shaqaalihiisa ama koox adoomadiisa oo isaga rabitaankiisa ka shaqeeya oo isaga keliya adeegayaal u ah.
Taasina waxay dhalisey in xubin nimada xildhibaanku ay gaarto ugu yaraan $500, 000!! Xagey aadeen ciidankii Qaranka, Sharcigii lagu shaqeynayey iyo garsoorkii gudoomin lahaa!?
Ciidanku, Dalka isagaa xukuma oo ilaaliya sharcigii rasmiga ahaa waa isaga. Isagaana laga rabaa hawshiisa in uu guto. Madaxweyne, Gudoomiye baarlamaan, Wasiirka koowaad iyo gollihiisa, xildhibaanadii iyo qaybaha kale ee dowladda iyo shacabkii, kan laga rabo halkii loogu tallo galey in ay Ku socdaan waa ciidanka.
Marka haddii ciidanka hawshiisa qabsan waayo, wax kasta waa lagala wareegayaa isaguna wuxuu noqonayaa ciidan gumeyste oo la gumeysto.
Soomaaliya waxay u baahan tahay, dhamaan shuruucda Dalka uu leeyahay, in manhajka wax-barashada Dalka lagu daro si dadka oo dhan ay u bartaan isla markaana ruux kasta oo sharciga Ku xad-gudba inta aan la gaarin ciidamada Ku shaqada leh, si qof kasta oo muwaadin ah uu u guto waajibka saaran isla markaana loo xakameeyo xad gudubyada guud iyo kuwa gaar ahaaneed.
Miithaal ardeyga dugsiga hoose dhigta ilaa heer jaamacadeed, waa in manhajka wax-barasho guud ah oo dhinaca shuruucda ah la siiyaa si muwaadinka Soomaaliyeed uu u ogaado ama u qasbsado waajibaadkiisa isla markaana uu u difaaco xuquuqdiisa iyo tan muwaadiniibta kale.
Tan kale waxaa yaraanaya in dad gaar ah shuruucdii Dalka Sidey doonaan u fasirtaan. Waayo, dhibaatada taagan xiligan waxay tahay koox aad u yar ayaa sheegata aqoonta shuruucda dalka. Marka si shuruucda dalka aysan u noqon mid dad gaar ah ay maamulaan waa in bulshada oo dhan la baraa.
Sidoo kale waxaa yaraanaya nidaamka xatooyada iyo xooga ku dhisan ee ay isticmaalaan mas'uuliyiinta dalka iyo guud kooxaha ku adeegta magaca Qaranka Soomaaliyeed iwm.
Dadd baa moodeya sharciyada guud sida dilka, dhaca, kufsiga iwm, in sharcigu Ku egyahay taasina waa wax caqliga uusan qaadan karin.
Miithaal Xuquuqda shaqaalaha Rayidka aad bey u balaaran tahay, sidoo kale Xuquuqda ciidanka lagu leeyahay iyo kuwa ciidanku gaar u leeyahay iwm.
Haddaan bulshada la barin shuruucda dalku uu leeyahay, waxaa xaqiiqo ah in aan waligeed laga baxayn waxa taagan, wixii laga soo gudbey lahaan kacooda iyo waxa soo socda.
Dhamaad
Mahadsanidiin.
(C) Maxamed All-man