SHABAAB TEGYE TALLADA KU DARA IN LA TAAGAN YAHAY WAQTIGII XINKA IYO HINAASAHA LANDS-YADA AMA MAAMULL GOBOLEEDYADDA!!
Maamull goboleedyadu dadd baa moodaya in ay yihiin waxa ugu fiican oo ay yeelatey ebid!, haddana aysan ogoleyn in laga dhaadhiciyo in waxani uusan sax ahayn. Kaaga sii darane waxaa la yaab iyo ugub dadka ku noqon doono xin, hinaaso, qas iyo jahwareerkii ugu darnaa in uu soo socdo oo qaab loo xalliyo la garan waayi doono haddaan tallo xag Alle timid mooyee balse sida qorshuhu u badan yahay wax ka daran Al-shabaab ayaa soo socda.
Sababtoo ah, maamull goboleedka dhexdiisa ayaa xal u baahan doona, kadibna waxaa uu bilaabayaa xin iyo xifaaltan kala dhexeeyo kuwo kale. Wali lama hayo wax lagu xalliyo oo aan ahayn dagaal iyo buuq. Marka hore laba laba ayey madaxa isula gellayaan, marka xigana waxaa bilaabanaya deegaameysi qabiil ku dhisan kadibna dabaska ayaa salka la wada dhigan doonaa oo haddana meel eber ah laga soo wada billaabi rabaa!!
Mohamed All-man
Friday, February 9, 2018
Tuesday, December 20, 2016
Soomaaliya Maxay Ubaahan Tahay!!??
In mudo ah ayaan raadiyey xog ugu yaraan 13 sanno, waxaan helay wax badan laakiin waxaan hadda go'aansadey inaan in yar idiin hordhaco.
Soomaaliya waxay u baahan tahay seddax qodob.
1- In la dhiso qaybaha ciidamadii qaranka Soomaaliyeed uu lahaan jirey oo si ka sii addag Sidii hore loo dhiso.
Sababtu waxay tahay, ciidankaasi wuxuu ilaalinayaa sharciga guud ee Dalka. Sharcina ma shaqeyn karo haddaan la helin ciidan ilaaliya. Ciidana ma dhismayo haddaan la helin sharci addag oo xakameeya.
Ciidamada xiliyadii dambe la dhisey, looma dhiso qaab ciidan Qaran ahaan ee waxaa loo dhisaa Sidii ciidan gumeysi oo laaya shacabka kadibna iyaga islaaya. Waayo, ciidamadaasi sharci ay ilaaliyaan looma dhisin ee waxaa loo dhisey danaha hogaanka gumeysigaasi uu leeyahay. Ciidamada rasmiga ah waxay xiraan oo ilaaliyaan halka uu Ku nool yahay hogaamiyaha gumeysiga uu leeyahay...!! Igadaa intaan ka badan waxaan ka qaadayaa xanuun oo masii sharxi karo.
2- In la hello sharci addag oo Ummadda Soomaaliyeed ay Ku qanacsan tahay oo belad iyo baadiyo ay isku si u ilaalinayaan.
Qodobkan sharaxaadiisa, wuxuu qaadanayaa sannado...!
3- In la hello Garsoor caadil ah oo shaqadiisa lagu wada qannacsan yahay. Sababtoo ah, Garsoor caadil ah haddii la hello, wax kasta way shaqeynayaan amnidaro lagama baqayo oo ciidan ilaaliya ayaa jira. Amnidaro ma imaan karto haddii cadaaladdii shaqeyneyso. Wax kasta oo horumar ahna waa ski xoogeysanayaa oo waxaa lava baxayaa fakh-riga, jahliga iyo Caafimaad Derrida. Ma jirayo khilaaf iyo sheki imaankara. Waayo, ruux kasta wuxuu Ku qanacsan yahay in uu helayo cadaallad. Taasina waxay imaan kartaa in la hello ciidan, sharci iyo Garsoor shaqeeya oo cadaallad ah oo wada shaqeeya ee ma ahan in lagu mash-quullo meel aan xaqiiqadu jirin sida in lagu tartamo xill anaa qabanayo xilkaas iyo anniga idoorta.
Hogaan la bedello ama la doorto, dalku xilligan uma baahna ee wuxuu u baahan yahay intaas aan kor Ku soo xusey. Sababtoo ah, hogaankii LA doorto, wuxuu u dhaqmayaa Sidii taliye ciidan gumeysi. Waayo, sharci uu ka baqayo oo ilaalinaya ma jiro oo sharcigiiba in isagu yahay ayuu aaminsan yahay, ciidamada dhisana wuxuu ka aaminsan yahay shaqaalihiisa ama koox adoomadiisa oo isaga rabitaankiisa ka shaqeeya oo isaga keliya adeegayaal u ah.
Taasina waxay dhalisey in xubin nimada xildhibaanku ay gaarto ugu yaraan $500, 000!! Xagey aadeen ciidankii Qaranka, Sharcigii lagu shaqeynayey iyo garsoorkii gudoomin lahaa!?
Ciidanku, Dalka isagaa xukuma oo ilaaliya sharcigii rasmiga ahaa waa isaga. Isagaana laga rabaa hawshiisa in uu guto. Madaxweyne, Gudoomiye baarlamaan, Wasiirka koowaad iyo gollihiisa, xildhibaanadii iyo qaybaha kale ee dowladda iyo shacabkii, kan laga rabo halkii loogu tallo galey in ay Ku socdaan waa ciidanka.
Marka haddii ciidanka hawshiisa qabsan waayo, wax kasta waa lagala wareegayaa isaguna wuxuu noqonayaa ciidan gumeyste oo la gumeysto.
Soomaaliya waxay u baahan tahay, dhamaan shuruucda Dalka uu leeyahay, in manhajka wax-barashada Dalka lagu daro si dadka oo dhan ay u bartaan isla markaana ruux kasta oo sharciga Ku xad-gudba inta aan la gaarin ciidamada Ku shaqada leh, si qof kasta oo muwaadin ah uu u guto waajibka saaran isla markaana loo xakameeyo xad gudubyada guud iyo kuwa gaar ahaaneed.
Miithaal ardeyga dugsiga hoose dhigta ilaa heer jaamacadeed, waa in manhajka wax-barasho guud ah oo dhinaca shuruucda ah la siiyaa si muwaadinka Soomaaliyeed uu u ogaado ama u qasbsado waajibaadkiisa isla markaana uu u difaaco xuquuqdiisa iyo tan muwaadiniibta kale.
Tan kale waxaa yaraanaya in dad gaar ah shuruucdii Dalka Sidey doonaan u fasirtaan. Waayo, dhibaatada taagan xiligan waxay tahay koox aad u yar ayaa sheegata aqoonta shuruucda dalka. Marka si shuruucda dalka aysan u noqon mid dad gaar ah ay maamulaan waa in bulshada oo dhan la baraa.
Sidoo kale waxaa yaraanaya nidaamka xatooyada iyo xooga ku dhisan ee ay isticmaalaan mas'uuliyiinta dalka iyo guud kooxaha ku adeegta magaca Qaranka Soomaaliyeed iwm.
Dadd baa moodeya sharciyada guud sida dilka, dhaca, kufsiga iwm, in sharcigu Ku egyahay taasina waa wax caqliga uusan qaadan karin.
Miithaal Xuquuqda shaqaalaha Rayidka aad bey u balaaran tahay, sidoo kale Xuquuqda ciidanka lagu leeyahay iyo kuwa ciidanku gaar u leeyahay iwm.
Haddaan bulshada la barin shuruucda dalku uu leeyahay, waxaa xaqiiqo ah in aan waligeed laga baxayn waxa taagan, wixii laga soo gudbey lahaan kacooda iyo waxa soo socda.
Dhamaad
Mahadsanidiin.
(C) Maxamed All-man
Sunday, November 22, 2015
Halkaan Hoos Guji Oo Ka akh-riso qu'aanka intaad net-ka ku jirto ama ka dhegeyso macaanida qu'aanka dhadhankiisa mahadsanid
(http://www.quranflash.com/books/Medina1/?ar&skin=textile&aff#)
Thursday, November 19, 2015
MID KA SOOJEEDA BEELAHA CUNSURIYIINTA SOOMAALIYEED...!!
Maalin ka mid ah maalmihii adkaa ee aan soomarey ayaa annagoo dad badan ah oo fadhina goob lagu diyaariyo arrimaha shekh-siga, isla markaana fayl dheer loogu jiro shan xafiisa, ayaa waxaa yimid koox dad kale ah oo dooneysa in ay feylka galaan.
Shanta xafiis mid keliya ayaa soomaali ka ah, inta kale oo dhan waa cadaan, afrikaan iyo carab. ninkasta marka la yeeriyo magaciisa xafiis gaar ah buu tagaa, sidii feylka loogu jirey, kii soomaaliga ahaa ayaa markiisa dad u yeeris bilaabey. wuxuu hadley hal mar oo aan la maqleyn dib dambe ma hadlin oo wuu iska aamusey, wax usoo dhaqaaqo ayuu waayey, wax yar kadib mar kale ayuu hadley oo qof kale u yeerey, haddana isagoo doonaya in uu ka gudbo ayaa booskii waxaa isla istaagey kii markii hore uu u yeerey iyo kii dambe ee uu u yeerey!!
labada kooxood mid waa soomaali, halka kuwa kale ay ahaayeen ajnabi aan dooneyn in aan magacooda xuso, kuwii Ajnabiga ahaa ayuu qaabiley, kuwii soomaaliga ahaana wuxuu yiri "anniga idiimba yeerin...!!" balse taasi waxaa beeninaya warqada ay wataan ayaa waxaa ku qoran nambar.
Markii uu qaabiley dadkii ajnabiga ahaa kadib ayuu iyagii si ay ku jirto caga jiid iyo huruufid badan u qaabiley isagoo wajigiisa ay ka muuqato caro aad u daran. ninka sidaa sameynaya wax yar kadib waxaa uu yeeriyey magac kale oo soomaali ah dadkii oo dhan ayaa wada maqley qofkii loo yeereyna wuu maqley oo tegay oo hawshiisa si fudud loogu soodhameeyey iyadoo wajigiisa aysan ka muuqan wax caro ama huruuf.
Balse waxaa iga yaabiyey markii dambe sheeko isla goobta ka dhacdey, isla markaana tilmaan khatar ah ka bixineysa qaabkii hore uu sameeyey iyo kuwii kadambeeyeyba kadib marka laguu akh-riyo ama laguu sheego iyadoo sideeda ah xitaa annigaygaan wax qorayo aadan iga rumeysaneyn. sidaas darteed haddii MID KA SOOJEEDA BEELAHA CUNSURIYIINTA SOOMAALIYEED...!! oo xafiis fadhiyo uu khaldo kumanaan dukumiintiyo ah ama waraaqo ah, isagoo ujeedkiisu uu yahay CUNSURIYAD-NIMADA KU JIRTA darteed, goormaa la sixidoonaa, waqti intee la eg ayey qaadankartaa kuwo uu khaldey iyo kuwii kadambeeyeyba??
mahadsanid

Sunday, November 15, 2015
WAA INEY HEEGAN BUUXA GALAAN CIIDAMADA QALINKA SIDA EE SOOMAALIYA!!
Difaaca xuduudaha dalka, Berriga, Badda Iyo Hawda mudadii 25-ka sanno ee qarankeenu burbursanaa, laguma ilaalineyn qori, waxa lagu ilaalinayey wuxuu ahaa qalinka saxafiga soomaaliyeed meel kasta oo uu dunida ka joogo.
Sidoo kale, gurmada iyo gaashaanka ugu horeeya ee shacabka soomaaliyeed ay haysteen wuxuu ahaa Qalinka saxafiga soomaaliyeed.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu xadgubo meel kasta oo uu dunida ka joogo kan isha ku hayey wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan qalinkiisa sida madaafiicda ugu casrisan ee dunida udhacayey, isla markaana loo dilayey ee loo xirayey isagoo aysan u dhameyn xuquuqihiisa guud iyo kuwiisa gaarka ah, wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan kinayey mujadaha ugu awooda badan ee dunida, isla markaana isku xirayey dunida inteeda kale iyo soomaaliya wuxuun ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka har iyo habeen u soojeeda ilaalinta sharaftii Ummadda, isla markaana ka harey qarankii soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka isagoo qaxaya, isla markaana dhuumaaleysi ku nool ee ilaalinayey Muwaadinka soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan Horumarka nabadeed ha yaraado ama ha badnaado Ummadda gaarsiiyey wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka keydiyey keydadd qaraniyaal aan ka dhamaan Qaranka soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan guulo wax ku ool ah ka soo hoyey dunida inteeda kale, isagoo aan dhiig daadin waa saxafiga soomaaliyeed.
Kan hurdada ka kiciyey khubaro badan oo qaranku lahaa waa saxafiga soomaaliyeed, sidaas darteed ciidanka Qalinka sida ee Soomaaliya waa iney heegan buuxa galaan, iyadoo aan cid loogu turayo aysan jirin qiimaha madaxbanaanida qaybaheeda kala duwan waa in si toos ah haraadka bulshada ay u qabto qaybaha awooda wareed ee lagu naafeyn karo cadowga gudaha iyo kan dibadda soo bandhigaan si looga baxo mush-kiladaha taagan xiligan iyo kuwa soo socda mahadsanidiin

Friday, November 13, 2015
SOOJEEDIN IYO DIGNIIN KU SOCOTA SIYAASIINTA, AQOONYAHANADA, GANACSATADA SOOMAALIYEED!!
Marka hore waxaan ka cudur daaranayaa inaan oraahdeyda loo fasiran siyaabo kala duwan, marka xiga ma ahan wax dan gaar ah aan ka leeyahay ee ujeedkeygu waa dann Ummadeedd.
Waxaan filayaa in wax badan laga dheregsan yahay hab dhaqanka dowladaha deriska, gaar ahaan Dowladda Kiiniya mudadii 25-ka sanno ahayd ee qaranka soomaaliyeed uu burbursanaa. dowladda Kiiniya burburka qaranka soomaaliyeed waxay ka heshey fursado badan dhinaca dhaqaalaha, siyaasada, ammniga iyo ciidan intuba. waxayna habeen iyo maalin xabsiga dhigayeen shacab soomaaliyeed oo sharci ku jooga dalkaas iyo kuwo aan ku joogin, xitaa kuwii ay gumeysiga ku haysteen ee soomaalida Kiiniya lagu sheego ayey xir xiraan.
Sidoo kale waxay si xush-mad daro ah hadda ka hor u xirxirtey siyaasiin soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, iyadoo waliba ku dartey qunsulkii safaaradda soomaaliya. dhinaca kale Kiiniya waxay heshiisyo shidaal baaris ah ka wadey in mudo ah xuduuda dalka soomaaliya gaar ahaan Block L5 (LAAMUU) iyo deegaanada ku xeeran iyadoon aan wax gabasho iyo xushmad sharci caalami ah, mid qaaradeed, mid gobol iyo mid xuduud deris aysan eegaynin.
08/09/2011 Baarlamaanka soomaaliya ayaa diidey wax lagu sheego heshiis is-af'garad, kadib markii si farsameysan ay heshiis macmal ah uga sixiixatey wasiir ka tirsanaa xukuumadii Cumar Cabdirashiid waa kan codkii baarlamaanka halkaan ka dhegeyso (http://somalitalkradio.com/cod/2011/goaan_barlaman_oct82011.mp3).
Kiiniya waxay qoraal u gudbisey maxkamada caalamiga, iyadoo ku candacooneysa in soomaaliya iyo kiiniya ay heshiis muran badeed ah hore u gaareen, waxaa kale oo jira tilaabooyin cad cad iyo kuwo qarsoon oo ay gudaha soomaaliya kawado
Waxay keloo Kiiniya si cad oo aan gabasho lahayn gudaha dalka soomaaliya ciidamadeeda u soogaleen 09/10/2011, iyadoo mar marsiiyo ka dhiganeyso in Al-shabaab gudaha dalka soomaaliya kula dagaalameyso. horna xeryaha qoxootiga Kiiniya ayey dhalinyaro soomaali ah ka qoraneysey, kadibna waxay dhistey maamul ku sheega Axmed madoobe Wakiilka uga yahay.
Kenya in mudo ah waxay ku celcelineysey in qoxootiga soomaaliyeed ee jooga dalkeeda ay dib ugu soo celineyso dalkooda. dhamaan arrimahaasi markaad si guud iyo si gaar ah u eegto waxay bixinayaan digniino is-dabajoog ah shacabka soomaaliyeed iyo siyaasiintooduna ma ahayn kuwo u soojeeda arrimahan inta badan sidaas darteed, waxaan soo jeedinayaa:-
1- In Siyaasiinta, Aqoonyahanadda, Ganacsatada iyo wax-garadka soomaaliyeed ee jooga dalka Kiiniya, iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxaan.
2- Ciidamadda soomaaliyeed ee jooga gobolada Jubada hoose. dhexe iyo gobolka geddo in ay heegan buuxda galaan, isla markaana ay gebi ahaan iska ilaabaan magaca beenaadka ay ku joogaan ciidamada Kiiniya iyo kuwa Itoobiya.
3-Mas'uuliyiinta sare ee dowladda soomaaliya qaybaheeda kala duwan, in ay fadhiga ka kacaan oo Ummada soomaaliyeed ee hogaankeeda ay hayaan, waa in halka saxda ay ku hogaamiyaan.
DIGNIIN!!
Haddii arrimaha aan kor ku soo xusey aan lagu eegin arragti hufan, waa in loo diyaar garoobaa miizaano fara badan oo aan u liicidoonin sida wax loo doonayo, isla markaana keeni kara kala daadasho xoogg badan, taasoo sida looga soo kabto ay addkaan karto.
Taariikh-dan iyo Tii Axmed Gureyna waan leeyahay ee Intaana ku nasta ama dhiigu ha idiinku karo!!
Mahadsanidiin
By:- Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Minnesota USA

Wednesday, November 11, 2015
SEDDAX TILAABO KADIB, MISE WAXAA SII SOCDA WAA IYADII!!
Waxaan ku fadhiyey kursi, waxaan usii jeedey dhinaca barriga, midig waxaa iga xigey miis computer saaran yahay iyo kursi kale, waxaa inoo dhexeeyey hal mitir iyo bar oo laba qof dhuudhuuban isaga gudbi karto, waxaa si xushmad ay ku jirto dhinaceyga u soomartey iyada!!!. waxayna qaadeysey tilaabo miizaan culus leh, isla markaana dareeno kala duwan xambaarsan!!.
Seddax tilaabo kadib, mise waxaa sii socda waa iyadii!!, Gabalkii baa sii dhacaayo, anniguna waxaa horteyyada yiiley buugg tirada baalashiisu ay badan yihiin oo misana aad u waaweyn yihiin, waxaan si deg deg ah u dulmarey buuggii mise waaba juquraafiga aduunka!!
Buugga waxaa ku xusan wax badan oo Juquraafiga aduunka, balse annigu xiligaas ma ogi ma diyaarad baan saarnaa, ma xafiis baan dhex fadhiyey, ma badda dusheeda ayaan dooni dalxiis ku maraayey, mise gaarigeygii yaraa ayaan watey oo sawir aan jirin ayey ahaayeen waxa aan tilmaamayo bal addiga meel uun ku qiyaaso!!
Waxaa xiise gaar ah igu reebey sawiro badan oo aan daawanayey iyo sida ay iyadu dhinacayga u martey iyo seddaxdii tilaabo ee miizaanka culus lahaa, wixii xiligaa ka dambeeyey daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa waxaa soo if-baxaayey culeys igu sii ziyaadayey!!
Naftu rabitaankeedu ka rumee mooyee ka reyso ma leh. annigoo maahsan, mise waxaa la ruxay kursigii aan ku fadhiyey!! ma fileyn in gadaal la iiga imaan doono. sidoo kale ma fileyn in waxa ii shidan ay qasmidoonaan, mise waa iyadii oo leh i hogaami!!
Naxdin darteed kursigii baan ku dhegay, dhaayo mooyee dhawaaq iyo dhaqaaq ma leh, dheguhu waxay maqlayaan dhawaaq dhadhan leh, laabtu waxay dareemeysaa xat xato ama lulasho leyr macaan leh oon laaluush lagu bixin!!
Yaa Salaam Ma Sii Wadaa, Mise Waaban Joojiyey.
Intaas waxaa inoogu egg barnaamijkeenii bulsho iyo baashaalkeeda iska fiiri yaan lagu jururucoon maha!! addlee mo'ohoooooooooooooooooo!!??

Subscribe to:
Posts (Atom)