Masasku waxay ka mid yihiin qaybaha xayawaanka ee duur joogta iyo dabb joogta, waxayna leeyihiin noocyo kala duwan iyo magacyo tiro badan. qaar waxay khatar ku yihiin noolaha oo dhan, qaar kale waxay khatar ku yihiin bani'aadamka, halka kuwa kale ay yihiin kuwo aan wax u dhimin dadka.
Maska Suuxaanyada, wuxuu ka mid yahay qaybahaas aan idiin soo sheegay, badanaana wuxuu ku noolahay dhulka baadiyaha iyo dhulka tuulooyinka, waliba dhul beereedka sida badan isagu wuxuu ugaarsadaa jiirka ama dooliga hadba sidaad u taqaano. inta badan maskan wuxuu ku dhuuntaa Muska ama Bowdka hadba sida aad u taqaano.
Maskan Suuxaanyada ah, waa mas aad moodo in uu ka duwan yahay masaska kale. waayo. marka hore wuxuu leeyahay midbyo kala duwan, awoodiisa jireedna wuu ka dhuudhuuban yahay masaska kale. sidoo kale qaar aad bey u dheedheer yihiin, qaarna waa meel dhexaad. markaad arragto ugu horeyn isagoo ordaaya, waxaad moodeysaa fiilo marka uu dareemo in wax ka xoog badan ay ku soodhawaadeen, wuxuu go'aansadaa inuu si fudud uga dhex duso bowd ka bow ama laba mus wax ka yar laba il biriqsi isagoo aan hubsan in la dilidoono iyo in la deyn doono!!.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyadoo ordeysa, waxay dul istaagtey Abeeso!!, abeesadii ayaa la yaabtey oo waxay weydiisey maxaad sidaan ugu ordeysaa, xageedse ka timid!!?? waa laba su'aal oo deg deg badan oo misana ka muuqda khartnimada abeeso!!
Suuxaanyo ayaa ku jawaabtey "waxaan sidaan ugu ordayaa inaan lay dhibaateyn maadaama aan annigu dadka dhibaateynin, waxaan ka baqayaa in la ii dhibaateeyo aano loo qabo magaca Maska sida uu u dhan yahay. sababtoo ah, magaca waxaa ila wadaaga addiga oo Abeeso ah, Abbris IWM!!".
Abeeso ayaa ugu dambeyn tiri iyadoo la talineysa Suuxaanyo " SUUXAANYO JOOJI KA DUS DUSIDA MUSASKA AAN MIIZAANKAAGA QARIN KARIN!!. sababtoo ah, bey tiri musasku inta badan annigaa ku dhuunta, kumana badbaado!!. waayo, mar muskii ayaa la gubaa anna ma ordi karo, marna annigoo ku hoos jira ayaa gebi ahaanba muska laga qaadaa meesha kadibna qaar ka mid ah caruurteyda ama qoys abbeeso ah isagoo ku hoos jira marka la arko, halkaas ayaa la igu dhibaateeyaa oo sidaas baan ku ehel iyo toll beelaa, marka haddii aad dus dusida badan joojin weyso, waxaa dhicikarta in addigana aad ku gubato dambaskeyga!!"
Adlee Mo'ohoooooooooooooooo yaa kale heeeeeee!!??
Saturday, October 31, 2015
Friday, October 30, 2015
CALOOSHEYDA AYEY CABIRAYAAN!!!
Sida aynu wada ognahay Shimbiruhu waxay leeyihiin qaybo kala duwan, dhinac kasta sida midabka, awooda, dhawaaqa IWM, shimburaha ugu tirada badan ee dadka dhiba waxay leeyihiin magacyo kala duwan waxayna cunaan dalaga beeraha. Shimbirahaas tirada badan waxaa ku dhex jira mararka qaar kuwo aad u af-dhaadheer oo xoogaana waa ka yara bar weyn yahay.
Shimbirka Quute quutaha ayaa waxaa ka soo dacwoodey shimbirihii tirada badnaa!! sababtoo ah, waxay yiraahdeen "Quute quute, wax kasta waa naga boobaa oo waa naga af-weyn yahay oo nagana bar iyo qaylo xoog badan yahay, sidaas darteed waa in nalaga dhexsaaraa!!".
Quute quute ayaa dacwadii maqley oo isku difaacay, nin walba intuu afkiisa la egg-yahay ayaa wax ku cunaa, intaan anniga hal mar qaadanayo, iyagu boqol jeer bey qaataan oo isma arkaane afkeyga keliya ayey arkayaan!".
Arrintii ayaa gudi loo saarey, gudiga la saareyna waxaa ka mid ah shibirka Shiire iyo kuwo kale aanan dooneyn inaan xuso, sababtoo ah sheekada meesha iga gashey sharaxaadeeda ayey ifinayaan!! kkkk. gudigii waxay go'aamiyeen in loo diro Injineero soo cabira afka Quute quute. Injineeradda la soodirey waxay ahaayeen DIIRTA AMA DIIRATADA!!
Diinrtu sida la ogyahay waxay u egtahay sida maska oo kale, qaarba waa si, qaar waxay leeyihiin lugo yar yar, qaarna way xamaartaan. marka waxaa loo soodirey kuwa lugaha leh ee markey soconayaan aad moodo iney wax cabirayaan, sababtoo ah, intey afarta dambe ku istaagaan ayey sidii qaanso roobaadii oo kale isa soo qaloociyaan kadibna inta hore ayey dhigtaan. markey inta hore dhigtaan waxaad moodaa iney wax cabirayaan sidaasna ma ahane si adag intey u qabsato ayey inta dambe ka daba keentaa oo sidaa ku socotaa sidii iyadoo wax mitirineysa!!
Quute quute ayaa loo sheegey in loo soo dirayo Injineero Diir ah ama Diirato ah!!, isagii wuu farxay sida caadada u ahna markuu dherqo wuu qayliyaa sidii isagoo dhergey oo kale ayuu u qayliyey!!.
Quute quute waxaa u yimid kooxo badan oo xaqiiqo raadis ah oo ka tirsan Gudigii Diirta ahaa! Sidii ay u socdeen afkiisa ayey eegmo ku bilaabeen waayo iyagu iska ma socdaan marka hore meesha ay taagan yihiin intey dhuujistaan ayey haddana isataagaan kadibna isa soo qaloociyaan.
Qute quute is-mawaaline wuxuu ku bilaabey cantuugyo waaweyn sidii lagu sheegeyba, kadibna kooxdii injineerada ahaa sidaas buu ku cuney sidey u dhan yihiin!!.
Markii la gaarey xiligii soo noqoshadooda ayaa la arkey Quute quute oo qaylinaaya isagoo geed quruc dul saaran, waxaa la weydiiyey gudigii makuu yimid!!??
Wuxuu ku jawaabey "CALOOSHEYDA AYEY CABIRAYAAN!!!"
Adlee mo'ohoooooooooo, yaa kale heeeeeeee??

Thursday, October 29, 2015
LAFO DUX LEH IYO KUWO QALALAN YAA ARKEY!!??
Lafuhu waxay qurxiyaan ama toosiyaan inta badan noolaha dunida noocyadooda kala duwan qaab dhismeedkooda jireed, hadana inta badan noolahan waxay leeyihiin lafo kala duwan kuwaa soo la arko markey dhintaan xayawaanada kuwooda xamaarta berriga iyo biyaha, kuwa adimada leh iyo kuwa duula intaba waxay leeyihiin qaab dhismeed lafo gaar ah.
Lafaha xoolaha, kuwa duur joogta ee hilibkooda lacuno, bani'aadamku waxay u leeyihiin faa'iidooyin kala gedisan, gaar ahaan dowladaha ku hormarey warshadaha. marka laga reebo warshadleyda dowladaha caalamka, haddana waxaa jira qaybo ka mid ah dugaaga iyo qaar ka mid shimbiraha oo xiliyada qaar noloshooda ku tiirsan tahay.
Waraabuhu xiliyada jiilaalkii wuxuu cunaa lafaha, Eeyguna xili kasta oo uu joogo haddii uu arko laf duxaysa kamadeyriyo. sidoo kale, Cantalaay ama Xantalaay midkaad doonto dheh isaguna laf nooc kasta ay tahay madaayo waliba isagu waxaa u dheer in ilaahay u sahley lafta nooc kasta oo ay tahay wuu iska laqaa!!.
Maalin maalmaha ka mid ah Cantalaay ama Xantalaay isagoo raadinaayo laf, ayaa siduu u socdey wuxuu dhex galey qoysas reer guuraa badan, kadib wuxuu bilaabey inuu wax badan oo lafo ah ka aruursado ileen isaguna waxaa dhinac ka haya jiilaalka!!, laakiin qaar ka mid ah qoysaskii reer guuraaga ahaa wiilashooda ayaa u tash-tey! waxay go'aansadeen iney qabtaan.
Sababtoo ah, dhowr berri ayey reeraha dhexdooda ka eryeen, isaguna naf baa hayso oo waxaa lagu jiraa xili jiilaall ah, waayo. xiliyadaas dadka xoolo dhaqatada ah, xoolahooda qaar baa abaar darteed u bakh-tiya, qaar baa xoolahooda qasha, qaar baa xoolaha markii la ogaado in uu dhimanayo gowracda sababo cudur ama abaar darteed. halkaasna waxaa ka soobaxa lafo badan oo aysan is-ticmaaleyn dadka reer guuraaga ah oo wey iska daadiyaan. Marka lafahaasi waxaa ku nool sida aan kor idiinku soo xusey Dhurwaaga ama Waraabe, Eeyga iyo Cantalaay ama Xantalaay.
Marka dhalin yaradii waxay soo aruuriyeen lafo badan, kadibna waxay taxeen ilaa iyo seddax meyl, laba ka mid ah ayaa waxay ku xireen xariga laga sameeyey boqonka Geella oo xoogaa way isku daba xireen, kadibna geedbey ku xireen labadii lafood oo wey ka fogaadeen oo sheeda ayey ka eegayaan!!.
Dhalin yaro baadiye wax ka dhib iyo fowdo badan. Shimbirkan ama Xan talaaygan waa bahal lugo dhaadheer leh oo misana sida Geela iyo Gerriga u talaabsado oo wuuw dheereeyaa. koox shibirkaas ka mid ah ayaa lafihii jaanis u heshey in ay soo gurbiyaan!! sidey usoo kala boobayeen, waxaa la yimid xaafadihii reeruhu ay daganaayeen!!, war Cantalaayoow maad ka joogtid!!.
Laba ka mid ah kooxdii ayaa isku garbiyey labadii lafood ee xarigu ku xirnaa, meesha khiyaano ayaa ku jirta, iyagu ma fahmayaan ee keliya waxaa u muuqda lafaha!!.
1-khiyaanada koowaad lafo ayaa loo soo taxay!!.
2-Khiyaanada labaad, lafaha waxaa lagu xirey boqonka geella ama feysha geella oo la isku dabaxirey, lagama dareemayo waxani in siriq ay tahay, waayo. waxa oo dhan ayaa ah lafo iyo laf kaab ama hilib asalkoodu yahay dheh!!.
3-Khiyaanadda seddaxaad xarigu geedd addag baa lagu xirey!!.
Cantalaayguna lafta sideeda ah ayuu iska liqaa inta badan oo iskumaba dhibo jejebinteeda!!, kii ugu horeeyey ayaa qaatey mid oo wuu liqay iyadoo xarigeeda wadata!! tii labaad buu damcey in uu u boodo mise waxaa ku dhegay kii kale balse ma qaybsanto oo kooda waa in uu u haraa meesha!!
Intii uusan dagaalka labad Cantalaay bilaaban, waxaa qosol iyo fowdo bilaabey dhalin yaradii oo wey ceyriyeen mise mid baa meesha ku harey oo laftii dhuunta u taagan tahay, tii kalena afka ayuu ku haystaa!! Ileen isagu shaqadiisa waxay ahayd LAFO DUX LEH IYO KUWO QALALAN YAA ARKEY!!?? wuuna heley!!.
Laakiin maxaa meesha ka dhacay!!??
Kooxdii Dhalin yarada ahayd, ulo ayey soo goosteen si ay u tumaan oo u dilaan!! isaguna Ilaahay wuxuu u sameeyey warshad dabiici ah oo wax shiida!! intey ku jiideen ayuu hore u raacey markii ay damcaan in ay ull ku dhubtaan, haraati ayuu u dhigaa ama baalkiisa ama kor ayuu u boodaa!! laftii hore wuu liqay tii kalena wuu liqay!!
Sidii ay u qash qashayeen ayuu hal mar kor u boodey mise waaba duuley isagoo xarigii dheeraa aan wadan!! mise dhalin yaradii ayaa kor u eegtey oo wali wey eegayaan!!
Adlee mo'ohoooooo!!??

Monday, October 26, 2015
DAWACAA SALAAD DIIDEY INEY TUKATO!!
Sida la ogyahay dawacadu waa qayb ka mid ah dugaaga ku nool keynta, waxayna caan ku tahay inay ay cunto hilibka cayriin ama bakh-ti ha ahaato ama iyaduba ha dilatee. Dawacadu xiliyada abaaraha waxay ku nooshahay xoolaha bakh-tiyey IMW marka la gaaro guga waxay u gaarsataa arriga iyo wixii la awood siman. in kastoo la sheego in mararka qaar ay daaqdo caswka, haddana nolosheeda oo dhan waxay ku nooshay waa hilibka cayriinka ah.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyadoo ordeysa aadaan ku dhacay dhegaheeda!!, mise waxa aadaanmayo waa Diiq!!, markii salaadii la aqimey ayaa waxay arragtey in Imaamku uu yahay Diiqa, intey gadaal gadaal u boodey ayey qososhey!! markii la weydiiyey maxaad ku qososhey, waxay tiri "Anniga salaad matukanaayo, sababtoo ah, Diiqa lugihiisa waxaa ka muuqda saxaradii uu maanta oo dhan faagg faagayey!!".
Diiqii ayaa ku jawaabey "Adiga waxa afkaaga iyo cidiyahaaga hore ka muuqdo, sow uus, dhiig iyo hiliba cayriin ma ahan, maxaad Cagahayga ka eegaysaa!!??"
Kadib maxaa dhacay!!? wixii dhici lahaa uun baa dhacay!! addinka lee waaye ann maku jiri!!
Mahadsanidiin

Sunday, October 25, 2015
SHURGOO KU RAAC DHEH!!
Xiligu waa gabal dhac, roob aan xoog badneyna da'ayo, waxaan ka imid xaafadeyda waxaana doonayey inaan dukaameysto kadibna salaada tukado oo reerkeyga dhakh-so ku noqdo. mis waxaan arkey wax aan waligeey fileyn balse, waxaango'aan sadey inaan qayb horudhac ah idiinla wadaago si xiliyda dambe ee jaaniska aan u helo si cadaan ah dib idiinla wadaago haddii alle idmo.
Waxaan arkey Saxafiyad Dhego Duran iyo Sawir Qaade Dhego Duran!!. Sannadku wuxuu ahaa 2014-tiin. Saxafiyadu asalkeed wuxuu kasoo jeedaa Bariga Afrika, Halka Sawir Qaaduhu aan garan waayey asalkiisa halka uu ka soo jeedo, balse waxaan hubaa oo aan idiin xaqiijinayaa in asalkiisu Afrikaan yahay!!.
Kaaga darane gabadhu waa soomaali, labaduba waxay ku mash-quulsanaayeen hawlo aan dhamaad lahayn, balse la orankaro waxay ku fooganaayeen dhaq dhaqaaqa bulshada soomaaliyeed ee ku baylahan dunida dacaladeed. in kastoo ay sidaas u baylahan yihiin haddana wali waxaa ku dhex jira dad nool oo aan ka dhiman dhinac kasta. iyaguse baylah tir uma socone sii bahdilid ayuu ahaa socodkooda.
Maalmo kadib annigoo dhex boodaya degelada net-ka, ayaa waxaan ku arkey gabadhii oo war tiro badan dal daleysa!! markii aan sii dhuuxey oo dhegeystey, waxaa iiga soo baxay shurgoo ku raac ama shurkaa ku raac mid kaad doonto dheh.

Friday, October 23, 2015
DAANYEER DERIS MA LEEYAHAY!!??
Daanyeerku wuxuu ka mid yahay xayawaanka dibad joogta, in kastoo ay jiraan in yar oo fara ku tiris ah oo la nool insaanka. Sida laogyahay daanyeerku wuxuu ka mid yahay xayawaanada dibad jooga kuwooda ugu caqliga badan, balse waxaa jira wax uu kaga duwan yahay xayawaanadda kale oo isaga keliya ay u gaar tahay.
Daanyeerku wuxuu keloo ka mid yahay kuwa lab dhediga leh ee ku nool keynta. sababtoo ah, bani'aadamka oo kale ayuu u maseyraa, isla markaana u garaacaa sida ragga qaarkood ee aan damiirka lahayn ee dumarkooda tuma. sidoo kale sida bani'aadamka qaarkiis u dhibaato badan yahay ayuu isaguna u dhibaato badanyahay!
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa odey reer guuraa ah wuxuu degay geed weyn hoostiisa, geedkuna wuxuu Hoy u yahay koox daanyeero ah, isaguna ma ogeyn oo odey mudo dheer jid ku soo jirey buu ahaa, markii la gaarey xiligii hoyaadka kooxdii Daanyeerada ahaa waxay u soo hoydeen halkoodii, xiliguna waa gabal dhac.
Daanyeerkii ugu da'da weynaa ayaa ugu soo horeeya, mise wuxuu arkey geedkii guriga u ahaan jirey oo la degan yahay intuu salka dhulka dhigey ayuu kooxdiisii dib u eegay oo hore eegay korna eegey ayuu dhawaaqey mise islaantii guriga lahayd ayaa ku soo baxdey waxay isku daydey in ay u caga jugleyso, balse meeshiisii kama dhaqaaqin bal iyada ayuu u caga jugleeyey!!
Islaantii intey baqdey ayey dib guriga ugu noqotey iyadoo leh cabdiyoow koox daanyeero ah ayaa gurigeena hor dhooban iney duulaan yihiina waan u maleeyey. odeygii ayaa hore u soo qaatey qaanso, leeb iyo bilaawe, iyaduna waxay soo qaadatey masaar oo banaanka ayey u soo baxeen oo waa la is arkey!!
Odeygu wuxuu ahaa nin waayo arrage intuu eegey daanyeeradii ayuu dhinacyada fiiriyey, mise meeshuba waxaa dhooban digo daanyeer, dufteeda iyo haarihii geeda fuulkooda intuu yaabey oo qosley ayuu gurigiisa dib ugu noqdey, daanyeeradiina intey soodhaqaaqeen ayey geedkii fuuleen sidey u dhan yihiin!!
Markii uu waagu baryey oo qofkii socoto ah, marka uu ugu yaraan 1km uu soo socda la arko in uu ruux yahay ayey geedkii ka soodegeen Daanyeeradii, waxayna bilaabeen qash qashaad iyo cagajugleyn ay ku sameynayaan haweeneydii reerka!! Odeygii ayaa soo baxay mise koodii ugu weynaa ayaa canaantey kuwii kale!!
Sidaas la isagama harine, odeygii wuxuu go'aansadey in deegaanka reerka wax ka bedelo, waayo. haddii ay caawa soo noqdaan wuxuu ka baqayaa in ay wax sii qasmaan waa isaga xaaskiisa iyo xoolihiisa keliya.
Odeygii reerka wuu ka rarey meesha oo wuxuu dejiyey meel 500m u jirta geedkii, mise daanyeeradii ayaa xiligoodii yimid, mise waxay arkeen reerkii oo ka guurey meesha, sidaas bay habeenkii kuwaa bariisteen. laakiin markiiuu waagu baryey ayey reerkii halka uu degay kadaba tageen oo way soo eegeen mud ayey goobtii fadhiyeen oowey iska soo dhaqaaqeen!.
Waa soo barya sidaas ayey sameynayeen, waxay sidaas hawshu ku socoto, maalin maalmaha ka mid ah, odeygii reerka oo xoolo waraabinaya ayaa waxaa u yimid koox daanyeero ooman, halkii buu sidii xoolihii shubaaliyey ama waraabiyey oo sidaas isaga baxeen reerkii meesha deganaa, heer waxaa la gaarey in xoolaha ay u raacaan Daanyeeradii deriska ahaa!!.
Odeygii iyo reerkiisa markii jiilaalkii ay ka baxeen oo la gaarey xiliga guga, wuxuu go'aansadey in markaan halka qaraabadiisa ay ka dhowdahay uu u guuro sidaas bey ku tashadeen isaga iyo xaaskiisa, subixii markuu waagu baryey ayey bilaabeen in gurigii ay dumiyaan ratiga saaraan, mise Daanyeeradii oo dhan ayaa ku soo kalahay, markii ay arkeen reerkii oo guuraya, ayey wada Ilmeeyeen, kadibna way la guureen!!
Sida caadadu tahay daanyeeradu inta xayawaan ee dibad jooga ah, waa kuwa ugu dhibka badan ugu falka xun, haddana kooxdan daanyeerada ah waxay ahaayeen kuwo kadhaqan duwan kuwa kale, halkaasna waxaalaga barankaraa cashar aad iyo aad u baaxad weyn oo sharaxaadiisa ay qaadaneyso dhowr sanno.
Odeygii, ayaa wuxuu go'aan ku gaarey in daayeeradan dhaqankooda wax ka ogaado, balse falalkii ugu yaabka badnaa ee uu arko, ayaa wuxuu ahaa in daayeerku sida bani'aadamka oo kale ay gogol dhaaf sameeyaan, isla markaana sida bani'aadamka oo kale ay u maseyraan oo wliba maseyrkoodu uu ka daran yahay kan bani'aadamka, wuxuu keloo ogaadey in sida ay isu dhaleen isu raacaan

Thursday, October 22, 2015
Is arragga Dhadhamiye, Was waasle Iyo Mill-kiilihii Maqaaxida Lahaa Ee Biyaha Wasakh-da Iibin Jirey!!
Sida caadadu tahay insaanku wuxuu
in mudo ah is-ticmaalo, sida uu isaga dhaafo dhibaato weyn ayey ku tahay, gaar
ahaan dadka is-ticmaala maandooriya, balwadaha noocyadooda kala duwan. sababtoo
ah, dadkaas balwadaha leh markooda hore waxay ka mid ahaayeen dadka caadiga ah,
laakiin kadib marka uu helo jaanisyo ka badan kuwa uu haysan jirey mid ka
wanaagsan, wuxuu u gudbaa badd kale oo ka duwan kuwii hore wuxuuna bartaa
bulsho ka duwan tii hore uu ula noolaan jirey kuwaasoo bara balwado kala
gedisan.
Qofba wuxuu leeyahay balwad gaar ah
sida darawaliinta, kuwa makaanikada, kuwa hoteelada ka shaqeeya, kuwa ganacsiga
qaybihiisa kala duwan ka shaqeeya ama leh, Kabalyeeriga ama adeegaha dheh iyo
kuwa kookayaasha ama kariyeyaasha dhamaantood IWM.
Mid ka mid ah ragga kookenimada ku
raagey, ayaa ka tegay shaqadiisa kadib markii ay is-fahmiwaayeen milkiilihii
hore, in mudo markii uu shaqo la’aan ahaa ayaa wuxuu shaqo Adeege ama
Kabalyeeri ka heley maqaaxi cusub!!
Sida la ogyahay Kookuhu ama
Kariyuhu, inta badan wuxuu ku dhex jiraa jikada, inta uu ku dhex jiro
jikadaasina ma dareemo inuu cunto badan cuno, waayo. Wuxuu dhadhamiyaa raashiin
kasta oo uu karinayo biseylkiisa iyo dhadhankiisa waqti kasta oo uu meesha ku
jiro.
Qaarkood markaad si gaar ah u eegto
habdhaqankooda, waxaa jiro kuwo caado u ah markey raashiinka gurayaan in ay
dhadhamiyaan, kadibna ay u dhiibaan adeegihii ama kabalyeerigii.
Adeegahan wuxuu lahaa dabeecada
noocaas ah, maalintii ugu horeysey ee uu shaqada bilaabey ayuu balwadiisii ku
bilaabey ee wax dhadhaminta! Wuxuu u keeney ninkii dalbadey raashiinka, kan wax
dalbey isaguna wuxuu ka mid ahaa ragga was waaska badan! Marka uu arko wax uu ka
shekiyo aad buu u qayliyaa isaguna wuxuu la yimid dabeecadiisii!!
Milkiilaha maqaaxiduna waa nin aad
isula weyn oo misana lacag jecel. Heer wuxuu ka gaarey lacag jeclaantuna wax
kale iska daayee in biyaha wasakh-da maqaaxida uu dadka ka iibiyo!!
Milkiilihii Maqaaxida ayaa dhawaaqa
was waasle maqley, markii uu ka soo baxaayey xafiiskiisa, wuxuu hore u
sooqaatey baaldi biyo wasakh ay ka buuxdo oo uu doonayey in uu iibiyo!!
Markii uu fadhiga maqaaxida soo
dhex istaagey, was waasle ayaa aad u qayliyey, milkiilihii maqaaxida inta naxay
ayuu baaldigii biyaha wasakh-da ku jirey siidaayey naxdin darteed. Was waasle
inta sii xanaaqey ayuu iska sii baxay, Milkiilihii inta soo naaxay ayuu ka
dabategay Was waasle oo faraqa ku dhegey kadibna weydiistey lacagtii biyaha
daatey iyo tan raashiinka!!
Adeegihii dhadhaminta badnaa inta
raashiinkii sooqaadey ayuu sii dhadhamiyey dhowr jeer mise waxaaba ku harey…!! Labadii
nin jiq ayey isku noqdeen oo mid doonaya in uu wax iska fujiyo iyo mid wax ku
dheganba. Arrintoodii waxay gaartey maxkamad sare ee qaanuunka dalka,
maxkamadii waxay amartey in la soo xiro seddaxdooda isla markaana la baaro waxa
la isku haysto, balse mid kasta waxaa la soo ogaadey waxa uu ahaan jirey!!
Seddaxdii nin ayaa isku arkey
xabsiga xeero salkeed, mise ruux kasta wuxuu ka sheekeeyey noloshiisii hore iyo
xabsiga uu ku jiro ee xeero salkeed!! Intii ay xabsiga ku jireen, waxaa
raashiinka ay cunaan ama la siiyo dhamaa Xeero salkeed!!
Milkiilihii markii la baarey waxaa
la soo ogaadey in asalkiisa uu ka shaqeyn jirey maqaaxi isla markaana u
qaabilsanaa daadinta biyaha wasakh-da, halka was waasle isaguna uu ahaan jirey
kuwa musqulaha qoda, isla markaana marka uu shaqada ka soo baxo in mudo ah uu
suuliga ama mus-qusha ku daahi jirey si uu isaga soo mayro wasakh-dii saxarada
musqusha uu maalinkaa ka shaqeynayey. Halka ka seddaxaadna uu ahaan jirey
Kariye ama Kooke oo sidaas seddaxdooduba dabeecadaha noocaas ay ku barteen!!
Laakiin garsoorihii maxkamadda,
ayaa markii uu ogaadey arrinka seddaxda nin, kiiskoodii dib u dhigey si uu
laaluush uga qaato!!
Sidaas darteed waxaa jira siyaasiin
balwado noocaas leh oo dalka iyo dadka soomaaliyeed wareeriyey, mid kasta oo
xilka baneeya wuxuu isku dayaa in uu qaso kan kale ee kaga dambeeya, halka kan
haya xilkuna uu la mid yahay milkiilaha maqaaxida!!
(C) Maxamed Macallin Cismaan (All-man) USA
Wednesday, October 21, 2015
BISAD MAGAALO BUUQ BADANAA!!
Sida aynu ognahay Bisaduhu waxay ka mid yihiin xayawaanka
debb joogta, in kastoo ay jiraan in yar oo dibad joog ah, haddana bisaduhu
waxay caan ku yihiin inay isugu yimaadaan meelaha dhiiga xoolaha ama
is-ticmaalka hilibka xoolaha, mana jirto cid gaar ugu yeerata, haddana meel
kasta ama jeero kasta waxaa ka soo jeesta oo taagan bisad magaalo.
Haba taagnaatee waxay qaylineysaa ama way dhawaaqaysaa, ha
dhawaaqdee, hal meel toos uma fariisato, yeysanba fariisane wey bood bood badan
tahay oo kolba meel ayey fuuleysaa iyadoo qaylineysa!!
Dadka qaarkii inay xanaaqaan ayey waxyeelo gaarsiiyaan,
halka qaarkood iska eega keliya uun. bisadaasi waxaa jira xili loo baahdo waana
xiliga xaafadaha la degan yahay uu ku dhasho dooli ama mas.
Marka sidaas si la mid ah waxaa jira dad kooxo Bisad Magaalo
dhaqankeeda leh oo aan waxba kuu qabaneyn oo meel kasta ka muuqda!!.
DUUBE DUUBIS U BAAHAN!!
Waxaan tegay Suuqa Karamel xili salaada cishaha la aadaamayo, gaarga ayaan parking gareystey ama dhigtey laamiga dhinacisa.
Markii aan gaarga aka degay waxaan hore u sii galey suuqii, waxaan isa salaaney saaxiibo badan oo aan in mudo ah is arkin, waxaan galey dukaan, annigoo dhex taagan dukaanka aayan banaanka kore ee dukaanka eegey mise waxaa socota duubis duubis u baahan!!.
Marki aan indhaha sii raaciyey, waxaa ii soo baxay sawir nin dhegtu duran tahay oo misana af-soomaali jajaban ku hadlaaya!!.
Adlee mo'ohooo iska fiiri hee bal adba!!, Iddi Ley Maagaa...!!??, Addii Ley Ma Ahaa!!??
Tuesday, October 20, 2015
Alla Caraf Badanaa...!!
Alla Caraf Badanaa...!!
Nin ganacsade ahaa, isla markaana lahaa goob lagu iibiyo raashiinka bisil, ayaa waxaa u yimid nin musaafur ah oo aad u gaajeysan, ninkii lacag ma haysto, wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, kadibna wuxuu fariinstey halkii urta raashiinka dabka saaran u socotey.
Dabadeed in mudo ah markii uu iska carafsadey, ayaa wxuu u tegay ninkii raashiinkaa karinayey, wuxuuna aku yiri "Alla Carag badanaa raashiinku...!".
Kii kale ee ganacsadaha ahaa, ayaa isna wuxuu la soo boodey lacagta iska keen, maadaama carafta raashiinka aad ka dheregtey!!
Maxkamad baa la isla tegay, intaan sheekadan dhameynin addiga maxaad ku xalin lahayd arrintaas haddii ay ku qabsato...!!?.

Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??!
W.Q:- Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com.
Inkastoo uu macno balaaran yahay cinwaanku, haddana ereyadda aanu soo qaadaney, haddii aan si guud u sharaxno, waa ereyo si toos ah dareenka akh-ristaha u taabanaya, waxayna ku timid tabaalaha kala duwan ee ay soomartey Qowmiyadda Soomaaliyeed iyo sida loola dhaqmayey mudo qarniyaal ah iyo xiliga aynu joogno, waana mid sawir buuxa ka bixinaya halka uu gaarsiisan yahay dareenka dhabta ah ee dadka Soomaaliyeed, islamarkaana wuxuu xambaarsan yahay fariimo badan oo facyaasha soo socda fayl cusub uu u furidoona haddii Alle idmo.
Annigoon ku fogaan Akh-ristayaal, qormadeenan waxaan uga hadli doonaa taariikho kooban laga soo bilaabo xiligii Imaam Axmed Gurrey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Ururkii SYL, Kacaankii Militeriga ahaa iyo 21-sanno ee ka dambeeyey burburkii qaranka soomaaliyeed ku dhacay, waxaana ku muujin doonaa xujooyin cad cadd iyo sababihii shabaab ay ugu baxeen magaaladda Muqdisho oo uu ka hadlidoono mid ka mid ah ragga siyaasadda soomaaliya sida dhow ula socda, kadibna waxaan ku soo xiridoonaa su’aalo u baahan jawaabo oo aan la hayn cidda ka jawaabeysa.
Inkastoo qormadan ay qayb ka tahay Buugg aan qoraalkiisa wadey mudo todobo sanno ah, islamarkaana uu ii marayo gebo gebo, ayaan waxaan go’aan sadey in qaybtan idiin soo gudbiyo maadaama xiligeeda la joogo, islamarkaana qayb xiligan aynu ku jirnana aan ku kabay, si bulshada soomaaliyeed mugdiga jira qayb uga ifino, islamarkaana inta faraha kula jirta arrimaha soomaaliyana ay ugu noqoto Oof ku qaraxda!!.
Marka xiga, qormadan waxay sawir guud ka bixineysaa, sida ay uga seexdeen qaybaha kala duwan Aqoon-yahanada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa arrimaha sharciga ku xeel dheer, sidoo kale, waxay dareen hor leh siineysaa wadaniga soomaaliyeed ee waayo jooga ah ee hurdada muda dheer ku jirey, inkastoo aan ka baqayo kuwa dhiig karka siyaasadeed qaba ee mudadii 21-sanno dalku bur bursanaa, islamarkaana dalka dhexdiisa ka doobinayey, haddii ay akh-ristaan laga yaabo kuraastu in ay la jabto, ileyn ma hayaan maskax ay isku xakameeyaane!.
Akh-ristayaal haddii aynu guda galno qormadeena, ma jecli in aan idiin soo gudbiyo wax ii gaar ah iyo wax aydaan hore ula socon, waxaana jeclahay in aan idiin soo xasuusiyo wax ruux kastaa dareenkiisa maskaxeed qaybo ka mid ah in badan is-weydiineysey sida looga gudbikaro iyo waqtiga ay qaadaneysoba, xaaladaha murugsan ee dalkeena ka jira in mudo ah. Waxaan soo aragney wax kasta oo bani’aadam maskaxdiisa aysan ku soo dhicikarin, in dalkeena ay ka dhaceen, inkastoo marka la isku soo duubo guud ahaantooda ay iskula quman yihiin khaladaadka ay geysanayaan shekhsiyaadkan sheeganaya Muslimka, oo maalinba maalinta ka dambeysa sii galaya khaladaad sii gaamurey.
Sidaas darteed si looga baxo arrimahaas, waxaa la sameeyey isku dayo fara badan oo shacabka soomaaliyeed ay isku dayeen, qaarkood waxay noqdeen kuwo dhakhso baabba’a, qaar si u sii jira wali iyo qaar la marin habaabiyey habkii ay ku bilowdeen, dhamaan isku daydaasi, waxaa hagaasinayey SIRRO ISA SURAN MISANA, ISA SII SIRAYA! Oo ka dhex qodan shacabka soomaaliyeed gudihiisa!!.
Haddana waxaa lagu hawlan yahay hababb ka duwan oo ka khatarsan kuwii hore, saan saanteeduna waxaa ka mid ah Oraddka iyo ka hadalka abaaraha gacan ku rimiska ah ee dalka soomaaliya xiligan ka jira wax ka qabashadooda, waxaana ku duugan wajiyo khayaano cusub oo bar bar socda arrintaas oo aan si dhakhso ah loo dareemikarin, saan saantoodana qaybaha hoose ee qormadda ayaan ku ifin doonaa iyadoo si u hadoodilan haddii Alle idmo.
Sababtoo ah, dadka soomaaliyeed mudo 21-sanno ah, ayaa laga hortaagnaa wax kasta oo bani’aadamka noloshiisa kaabeysey iyo wax kasta oo uu isaga difaaci lahaa dhibaatooyinka soo wajahay, waxaa dhamaadey keydkii dalka iyo dadka soomaaliyeed nooc kasta uu yahay, waxaa si bareer ah loo bur burinayey amnigii iyo kala dambeyntii uu lahaa dalka, halkii uu ka soo kaban lahaa waxaa la qixiyey dhamaan, aqoon-yahankii, wax garadkii, maal qabeenadii iyo wax kasta oo bulshada indhaheeda ahaa, inta kalena waa la laayey. dadka soomaaliyeed ee sidaas loo galey, qaarkood marka ay dalka ka soo baxaan ayey dareemaan, halka laga Oof-wareemayo arrimahooda gaarka ah iyo kuwa guud, balse wax ma qabankaro ruuxu oo qaybtii kale ee uu la kaashan lahaa waa uu ka soo fogaadey ama dalall kale ayuu sida kan wax dareemay oo kale isna ku yahay!.
Marka si looga hortago arrimahaas soo socday, casharna looga qaato wixii laga soo gudbey oo lagu daro waxa xiligan taagan ayaa waxaan ka shekhsi ahaanteyda istusey bal in dadka wax fahmaya ama dareen iga badan xambaarsan aan u soo gudbiyo qormadan aan cinwaanka uga dhigay Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??!. Si, si cilmiyeysan oo ay ku dheehan tahay danta Shacabka soomaaliyeed wax looga qabto, iyadoo aan la adeegsan hab cunfi ah ama habbka gacan ka hadal ah, lana maro waddo cusub oo aysan soomarin dhamaan ururaddii kala duwanaa ee dalka soomaaliya ka jiray qarnigii 20-aad iyo halganadii ka horeeyey, waayo kuwaasi qaarkood, waxay ahaayeen kuwo ku sii fogeeya dhamac galooleedka ay ku istaagtey Qowmiyadda soomaaliyeed, inkastoo aan jeclayn in aan canbaareeyo, laakiin xiligaas la joogay siyaasadaha iyo is-bedelada jiray, la oran karay jawaab ayey u ahaayeen!!.
“Taariikh-da dalkaagu, waxay ku tustaa qaranimadaadu waxay tahay, iyadaadna kaalinta aad ka jirto ku hilbo qaybsataa, duniduna xin iyo xifaaltan baa jira!” xigasho (Buugga Garbaduubka Gumeysiga).
Aan ka bilowno Alle ha u naxariistee Imaam Axmed wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee taariikh-yahanadda caalamka ay wax ka qoraan halgankiisa qaabkii uu ku aas aasmey iyo halkii uu ku dambeeyey, in kastoo kaasi uu ahaa mid ku bilowdey dulmi Ummadda Soomaaliyeed laga galay, islamarkaana ay ka guuleysatey markii hore, haddana guushii waxay noqotey mid la siihaysan kari waayo, sababbtaas wali waa la is-weydiinayaa, marka laga reebo gacantii ay ka heshey dowladda Itoobiya, boortaqiiska iyo dowladihii kale ee reer yurub oo gumeysi ugu yimid dalka soomaaliya qarnigii 19-aad dabayaaqadiisa, kadib shir gaar ah oo ay ku yeesheen dalka Jarmalka magaalo madaxdiisa Berlin!.
Gardaradaas cadd dadka soomaaliyeed ma helin mas’uuliyiin si ciliyeysan arintooda u hogaamisa misana hor dhiga shucuuba caalamka, markii la jebiyey Imaam Axmed Gurrey, hawshuna waxay noqotey, dulmigii hore mid ka daran in lagu sii sameeyo, bal ee ay isa soo kaashaadaan dowladihii reer yurub iyo dowladda Itoobiya oo halkaas hawshii hore u socotey mid ka sii daran lagu dhaqaaqay, lamana dhihikaro dunidu xiligaas xil kasta kama jirin iyo waa ka jirey!.
Sidoo kale halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa mid taariikh-yahanadda caalamka ay wax ka qoreen guushii uu gaaray, balse waxay noqotey mid aan la hannan, ugudambeyna waxaan filayaa sida loo jujuubay ama loo caburiyey in taariikh-yahanada caalamku ay si waafi ah uga dheregsan yihiin, taasina waxay ahayd jabb kale oo qowmiyadda soomaaliyeed soogaarey!!.
Iyadoo aan la dhayin dhaawacaas, mudo kadib ayaa Halgankii xornimadoonka soomaaliyeed ee uu horseedka ka ahaa ururkii SYL, sidaas ku bilowdey, waxaana la orankaraa, waa kan keliya ee ka tagay nidaam iyo kala dambeyn aan awood badan lahayn, islamarkaana curdun ahaa, iyadoo waliba aan laga harin sidii loo bur burin lahaa iftiinka yar ee soo bidhaamay, ayaa aakhirkii wuxuu keenay in taladii dalka ay la wareegaan kacaankii militeriga ahaa oo runtii isaguna la orankaro wuxuu la mid ahaa sida kii Axmed Gurrey iyo Sayid Maxamed Cabdulle oo guushii uu soo hoyey ma noqon mid miraheeda in muddo ah la gurto, marka loo eego yoolka halka Dadka Soomaaliyeed hankoodu ahaa, balse waxaa laga dhaxley taariikh kale oo fidisay gogol cadaawadeed oo waa la isugutagey, mana doonayo in aan waqti sii galiyo dowladihii isugu tagay, waayo ficilkoodii foosha xumaa ayaa wali guranayaan dadka soomaaliyeedna way ka seexdeen!!.
Shacabka soomaaliyeed is-ma weydiin sababaha arrimahan isku mid ka dhigay, iyadoo aan waliba wax ay ku kala duwan-yihiin uusan jirin, waxaana ugu dambeyn hawshu kusoo geba- gebowdey waxa ka dhacaya 21-ka sanno dalkeena, haddaan wax yar isku dayo in aan ifino boogaha ay qabto TFG oo u baahan, in si cilmiyeysan looga daweeyo ayaa waxay tahay,mid ka mid ah ragga aadka u dhaliilsan qaab hogaaminta guud ee dowladda oo la sheekeystey, wuxuu yiri
“dowladda waxay ka qayb gashaa shirar caalami ah, taasina waxay muujineysaa in dunidu ay u aqoonsan tahay dowladd soomaaliyeed ma xuma, laakiin wali siyaasiinta iyo shacabka soomaaliyeed ma is-weydiiyeen sababta Shacabkoodii Baasaboorka dal ku galka ay leeyihiin aan loo saarin Fiiso?!, waxaana taagan su’aalo kale oo aan la fahmikarin qaabka looga jawaabayo, waa yaabe mas’uuliyiinta dowladda yey matalaan, Ma shaqaalo Qaramadda Midoobey baa, mar haddaan shacabkii ay matalayeen dal ku galkoodu aan la aqoonsaneyn?!” mar aan weydiiyey sababta noo sheeg ayaa wuxuu ku jawaabey “Dhamaan su’aalahaasi iyo kuwo kale oo badan wali lama hayo jawaab waafi ah oo shacabka soomaaliyeed dunidu kaga qanci karto, marka laga reebo takooridaas ay ku sameeyeen oo la isma weydiin!”.
“dowladaha deriska la ah dalka soomaaliya qaarkood, waxay heshiisyo iyo martiqaadyo cadaan ah u fidiyaan maamul goboleedyada kala duwan ee ka jira dalka soomaaliya, waxay ka xishoodaan iska daayee, dowladahan qaarkood dekedaha dalka soomaaliya ayey kala soodegaan baahiyahooda gaarka ah, dhaqaalaha ka soo xerooda dekadahan halkay ku baxaan lama oga iyo waxay u adeegsadaan kuwa maamula, dowladuna ma sheegtaan in dowladooda ay tahay, dalkuna iyadaa dowladd u ah”! ayuu yiri.
Wuxuu keloo ka hadley dowladda Kiiniya iyo qaabka ay u dhaqantey xili hore iyo xiligan la joogo “Halka xaruntii lagu soo dhisey TFG-da xiligan jirta tii ka horeysey, marka mas’uuliyiintii hore dowladda KMG ay u safraan dalkooda Baasaboorka ay wataan aysan saari jirin Fiiso!, balse Warqad kale fiiso ahaan loo siiyo!!, waaba haddii ay helaan, sababta keentay arrintaas ilaa iyo hadda kama hadlaan DFKMG, waxaana lagu xasuustaa dalkaasi in uu yahay dalkii mas’uuliyiin soomaaliyeed oo xasaanadooddii wata xiray!, iyadoo loogu qiil dayanayo wax lagu sheego Al-shabaab, Arrgagixiso, Burcad badeed iyo magacyo kale oo ay u bixiyeen dowladahan deriska ah shacabka soomaaliyeed!, si dunida inteeda kale looga takooro”!!.
Ninkan wuxuu keloo ii sheegey “Laba ka mid ah saraakiisha maamul goboleedyada soomaaliya ka jira oo aan la sheekeystey, ayaa mid kasta wuxuu ii xaqiijiyey dagaaladda labad maamul isaga soo horjeeda, in hub iyo saanaddo kale ay ka helaan mid ka mid ah dowladaha deriska, halka dowladahan derisku ay ku andacoodaan markasta waxaanu diyaar u nahay wax ka qabashada xaaladda murugsan ee dalka soomaaliya”!, bal eeg akh-riste taageerada noocaas ah sow Takoor iyo Toogasho ma ahan?!, waxaan weydiiyey macagyadda saraakiisha iyo goobta uu kula kulmey? Wuxuu ku jawaabey “waxaan kula kulmey Garoowe iyo Hargeysa, magacyaduna kuu sheegimaayo” ayuu yiri
Wuxuu keloo soo qaatey hadal mar sii horeysey warbaahinta siidey “dowlaha kale ee reer galbedka qaarkood sida mareykanka, waxay u dejiyeen siyaasadaha is-diidan ee dalka soomaaliya ka jira hababb ka duwan, habka xeerarka caalamka uu degsadey, halkii ay ku cadaadin lahaayeen isu-keenida dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxay yiraahdeen gobolada degan waanu amaaneynaa, islamarkaana sidooda ayaan u la dhaqmeynaa!!, hadaba dadka iyo dalka soomaaliyeed yaa laga sugayaa isu-keenidiisa”?! igu sooceliyey
“Waxaa kale oo intaa ka sii daran fal kasta oo fool xun oo ka dhaca dalalka nagu xeeran, kuwa qaaradda iyo kuwa caalamka, waxaa loo xiraa oo loo saariyaa dadka soomaaliyeed, sida ay soo wariyaan warbaahinta caalamka, waa yaabe soomaalidu tirabadanaa waxa kusoo duuley oo ku dhex dhuumanaya!! waxaana ugu dambeeyey kii lagu sheegey in uu ka tirsan yahay Booko Haaraam ee xafiisyada qaramadda midoobey ay ku lahayd dalka Al-jeeriya qarxiyey, ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid dalka Soomaaliya, taasina waa dagaal cadaan ah oo aan geed loogu soo gaban iyo ku xad-gudub xuquuqul insaanka dalka iyo dadka soomaaliyeed ee lagu shaabadeeyey wax kasta oo xun oo saxaafadeedda loo soomariyo, haddiiba sidaas loo og-yahay in soomaaliya uu ka yimid, maxaa loo sheegi waayey xiliga uu soogalayey dalka soomaaliya?!!”.
Akh-riste Intaas iyo ka badan way ku dhaceen shacabka soomaaliyeed, sida uu ii sheegay mid ka mid ah ragga sida gaarka ah ula socda falalkan guran, isagoo ka yimid dalalkan waaweyn, mar aan ku kulaney hoteel ka mid ah hoteelada caasimadda dalka jabuuti waxaa kale oo intaa u dheer “ kii ka cararay gaajada, dagaalka iwm ah, marka ay tagaan garoomadda caalamka, waa laga takooraa, xabsiyada dowladaha dunida qaarkood oo ay ugu horeeyaan dowladaha waaweyn ee reer galbeedka way buuxaan”! ayuu yiri.
Dhinaca kale dhowaan markii ay soo shaac baxeen baaxada abaaraha ka jira geeska Afrika, mid ka mida ragga sida gaarka ugu dhow xafiisyada UN-ka, wuxuu yiri “wakiilada kala duwan ee UN-ka ay usoo magacaabaan dalka soomaaliya, ayaa marka ay bilaabaan hawlahooda gaarka ah, waxay la kulmaan caqabado kala duwan oo aysan hore ugu soo talagelin, sababtoo ah, waxaa si dhakhso ah looga bedelaa jad-walkii uu lahaa mas’uulkaas, waxaana saameyn daran ku yeesha, wax lagu sheego wakiilada dowladaha daneeya arrimaha soomaaliyeed iyo Hay’adaha deeqaha bixiya ee ku sugan dalka Kiiniya!”, taasina waa takoor aan marna la iska eegin!.
Akh-riste anniga shekh-siyan waxaan aad iyo aad ula yaabey, Mudada 20-ka sanno ahayd ee dalka soomaaliya xaaladahan murugsan ku jirey, waxaa ka dhex muuqdey oo maamulayey wax lagu sheego Qaramadda Midoobeey, Ururka Isutaga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD, mas’uuliyiintoodu waxay sameeyeen wax kasta oo qawda maqashii oo waxna ha u qaban ah, aakhirkii waxay gaartey in la go’aamiyo in ciidamo loo soo diro oo ka socda Midowga Afrika, inkastoo dowladda Itoobiya ay si bareer ah u soo gashey gudaha dalka soomaaliya dabayaaqadii sannadkii 2006-k, waxayna ka geysatey waxay doonto, hawshuna waxay mareysaa hala kordhiyo ciidamadda!!, iyadoo dadka soomaaliyeed xiligan ay u baahan yihiin gar gaar bani’aadaninimo, shabaabkuna shirkasta oo ay yeeshaan Ururadan iyo dowladahan kala duwan, waxaad moodaa in xubno matala ay u joogaan, isla xiliga la soo geba gebeeyo ayey iyaguna ku dhawaaqaan, go’aanka la gaarey mid ka khatarsan oo lid ku ah!!.
Waxaan in badan isku dayey DKMG Soomaaliya waxay la shaqeyn weydey, markaan in badan isku dayey si aan wax uga ogaado, ayaa waxaan iftiin yar ka heley xubin ka mid ah xubnaha ururadda Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku kulan goob ka mid ah deegaanadda aan ku noolaa xiligaas, markii aan sheekeysaney waxay ii sheegtey in siminaar ay ku jirto, islamarkaana ay xubin buuxda ka tahay Jilayaasha aan Dowliga ahayn!, waxaan weydiiyey Jilayaasha Aan dowliga ahayn maxay qabtaan?, waxay ku jawaabtey “wax sidaas oo aan qabano ma jirto, waxaan sameynaa sidii lagu ogaan lahaa dhaqaalaha ay isticmaalaan DFKMG iyo maamuladda kale ee dalka ka jira, sida lacagaha la lunsado iyo habka maamul wanaaga sida ay u hirgeliyaan”!
Waxaan keloo weydiiyey addinka maxaa idiinka soogala? Waxay iigu jawaabtey “wax lacag ah nagama soogalaan, laakiin Hoteeladda, Tikidhka iyo cuntada aan isticmaalno ayaa waxaa bixisa hay’add hebla oo magaceeda igu cusbaa xiligaas, inkastoo aan xifdin xanaaq aan ka qaadey”! oo xageed u safartaan ayaan sii weydiiyey?, waxay iigu jawaabtey “dhamaan mas’uuliyiinta maamuladan kala duwan marka ay safrayaan ama shirar ay ka qayb-galayaan ayaan dhinaceena ka raacnaa”! oo iyagu ma og-yihiin ayaan weydiiyey? “ma oga iyagu, laakiin annagu waa nalagu martiqaadaa shirarka ay ka qayb galaan”!! waa yaab iyo amakaag, shacabka soomaaliyeedoow bal ka warama arrintaas maxaad ku jawaabi lahayd addiga?!!, waxaan qaybaha warbaahinta caalamka ka maqalnaa in hay’add hebla baaritaan ay sameysey, lagu ogaadey dal hebel in uu ka mid yahay dalalka ugu liita xaga maamulka, soomaaliyana ay ka gashey kaalinta ugu hooseysa!, ileen Mas madoow oo maamulka ku dhex jira ayaa ruuga madaxdan iyo hawlahooda gaarka ahba oo sidaas dowladdii looga aamin baxaa, ileyn shekh-sigan wax soo aruurinaayo waa shabaab iyo qabaa’ilada iska soo horjeeda oo kalee ama waxaa laga yaabaaba , in xilalka kala duwan ee ay hayaan xubnaha dowladda uu mid isagu si gaar ah u calaameystey!.
Ma xuma in baaritaan la sameeyo oo dabagal lagu sameeyo maamuladan kala duwan, Islamarkaana wax laga ogaado, laakiin is-weydiintu waxay tahay addiga waxaa tahay muwaadin soomaaliyeed, hadaba ma ogoshahay in shekh-siyadaada hoose ay ogaadaan cadowgaaga?, masa la socodsiisey mas’uuliyiintan kala duwan khaladaadka ay ku jiraan?, khaladaadka mas’uuliyiinta dalkaaga ka dhaca ee aduunka lagu shaaciyo qayb intee la eg ayaa kaa soogaareysa?, iyadoo markii horeba amni dero iyo nidaam la’aan mudo soo jiitantey ay ka jireen dalka soomaaliya, hadaba sidee dowladd soomaaliyeed ku istaageysaa, haddii sidaas iyo si ka daran wax looga gudbiyo dowladda, sow aaminaadii yareyd ee ay ka haysatey dowladaha caalamka lumimeyso, islamarkaana sow ma soo baxayso TFG, MA TAAGEERNAA, MISE WAAN ISKA TAKOORNAA?!!
Marka aynu ka soo tagno arrintaas, sow lama dhihikaro Jilayaasha aan dowliga ahayn, waxaa lagu magacaabikaraa dumiyayaasha aan dowladdba dooneyn?!, sababtoo ah, dhaqaalihii kaalmada ahaa ee loogu talo galey in dalka iyo dadka soomaaliyeed wax loogu qabto, waxaa lagu aas aasey wax lagu sheego Ururadda Bulshada oo hawshooda keliya ay tahay bur burinta dalka iyo dadka soomaaliyeed, inkastoo aysan is ogeyn dadka ka shaqeeya, halkii ay dabagal ku sameyn lahaayeen halka ay ku bixiyaan hay’adahan kala duwan ee sida Miiga u duulaya oo ay toosh-ka ku ifin lahaayeen, iyagaa dadkoodii iyo dalkoodii lagu jeediyey, lacagta la siiyana sannadkii marka la isugeeyo shantii Urur ma dhama $500,000, waxaana macquul ah in lagu sixiixo $5000,000, waxaase su’aal kale ah, imisa hay’adooda oo qaab qarsoodi ah uga shaqeeya dalka Soomaaliya, dhamaan arrimahaas iyo kuwo kale oo aan awoodin in aan afka soomariya dalka soomaaliya way ka jiraan akh-riste la soco!!, TFG-na diifkeeda ayey cuntaa!.
Iyadoo sidaasi ay jirto ayaa dalka waxaa ka dhacay abaarahan daran ee ay la yaabeen dhamaan inta bani’aadam uu yaabo, ugu dambeyn ururadii kala duwanaa iyo dowladihii kale ee arrimaha soomaaliya faraha kula jiray waxay gaareen, in ay isku eed eedaan halka ay marayaan arrimaha soomaaliya, ileyn dhac, bur burin iyo kala qoqobid ayey ku maqnaayeene ma iyagaaba filanayey hay’addahan waxaa ka mid sida kuwa Qaramadda Midoobey, Ururka isutaga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD, walina ma jiro Urur si toos ah hawshiisa u bilaabay, waxayna ku jiraan wax lagu sheego Qiimeyn xaaladeed!.
Waxaa warbaahinta caalamka laga siidaayey qaylo dhaan balaaran, waxaa la qabtey shirar kala duwan oo looga hadlayo arrimaha abaaraha ka taagan dalka soomaaliya, waxaana ka soo baxay balan qaadyo intooda badan aan soodhaafin halkii looga dhawaaqay, marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah oo ay soo bilaabeen dowladaha Islaamka, halka kuwa bixiyey balan qaadyada kale ay dalka soomaaliya ku yimaadeen booqoshooyin kala duwan xerooyinka dalka gudihiisa iyo dibadiisa, raasina waxay u muuqtaa mid dal xiis ah, mar haddaan laga dhabeyn balan qaadyadoodii, islamarkaana woxoodu uu noqdey dheh oo ka dhaqaaq!!.
Dowladaha kala duwan ee dalalka Carabta, dadka soomaaliyeed ee ka cararay xaaladaha murugsan ee ka jira dalkooda, marka ay tagaan, waxay u geystaan wax ka duwan waxa ay u socdeen sida, xarig, jirdil, tarxiil iyo wax-yaabo kale oo ka baxsan nidaamka islaamika, waayo dadka soomaaliyeed ma siiyaan fiiso iyo daryeel kale marka ay tagaan halkaas, sida uu ii sheegay mid ka mid ah dadka mudada dheer ku noolaa dalkaasi.
Dhinaca kale Markii xaaladaha cakiran ay ku bateen dalka soomaaliya, waxaa badda soomaaliya ka bilowdey in la bililiqaysto, bal iska daayee heer waxaa la gaarey in la dhaco kaluumeysatadii yar yareyd ee dadka soomaaliyeed, halkaasna waxaa ka dhashay waji kale oo cusub, Kalluumeysatadii soomaaliyeed waxay sameeyeen fall celin, waxayna soo af-duubeen maraakiibtii badooda jariifayey, hawshuna waxay noqotey in shaqadoodu ay u rogaan af-duubka maraakiibtaas, maadaama shaqadoodii loodiiday in ay qabsadaan!, waxaana loo sameeyey magac bixin kale oo cusub oo waxaa la yiri Burcad badeed!, waxaana la aas aasey wax lagu sheego la dagaalanka burcad badeedda!.
Badda soomaaliya waxaa laga soo buuxiyey maraakiib aan la garan waxa dalka iyo dadka soomaaliyeed u hayaan, waxayna sameeyeen falal dhoola tus ah oo u muuqda qawda maqashii oo waxna ha u qaban, heer badda soomaaliya lagu sheego in la wasakheeyey, taasoo aan la shaacin cidda geysatey falkaas, balse laga wada dheregsan yahay, waxa ka dhaca badda soomaaliya gebi ahaanba.
Haddaan eegno Shabaab, mid ka mid ah ragga sida gaarka ah ula socda is-bedelada ka socda dalka soomaaliya oo aan sheekeysaney annigoo aan jeclayn in aan magaciisa xuso, sababo nabad-gelyo aw-geef wuxuu yiri “sheki kuma jiro in maamul ahaan, ciidan ahaan iyo siyaasadd ahaanba ay fashilmeen shabaab, islamarkaana waxa muuqda uu yahay wax la mid ah, xiligii hogaamiye kooxeedyada koofurta soomaaliya ka dagaalami jirey, markii uu fashilkooda soo dhawaadey wax la mid ah, sababtoo ah, waxaa ka horyimid dhalin yaradii ay adeegsan jireen, kadib markii ay ogaadeen saaxiibadooda kale ee dhaawacmay iyo kuwa dhintey, in wax daryeel aysan ka helin hogaamiye kooxeedkii ay u dagaalami jireen, taasoo ku khasabtey hogaamiye kooxeedyadii koofurta soomaaliya in dib ay u midoobaan, waxaana soo baxday wax lagu sheego is-bahaysiyo iska soo horjeeda, halka dhalin-yaradii diideyna ay noqdeen shufto ama is-baaraleey degan deegaanadda ay ka soojeedaan, sidaas oo kale ayaa ka muuqata, sababtoo ah, markaad eegta sida ay u kala joogaan deeganadda ay maamulaan, waxaa kuu soo baxaya sawir noocaas, waana sababta keentey in ay ka baxaan magaaladda muqdisho” ayuu yiri.
Isagoo hadalka siiwata waxaa uu intaa ku darey “Waxaa kale oo lagu sheegi karaa ka bixitaankooda magaaladda Muqdisho, si shirka wadatashiga ah ee lagu sheegay dowladda in ay qabaneyso, uusan u noqon mid meel iyaga ka fog ama aysan awood ku lahayn loogu qaban!, ileyn, haddii lagu qabto meel iyaga ka fog, waxaa ku adkaaneysa sidii ay wax uga ogaan lahaayeen iyo sida ay tash-wiish ugu furi lahaayeen. waayo, xiligii shirka dibu-heshiisiintii ugu dambeysey ee lagu soo doortey Madaxweyne shariif ka socdey dalka Jabuuti, waxay sameeyeen iskuday kasta oo ay ku baajin karaan shirkaas, heer ururkii ARS uu laba u kala qaybsamo, iyagaana qaybta ugu weyn ee kala qaybsanaanta ARS lahaa, sida aan warar kala duwan ku heley iyo ragg kale oo awood ku lahaa ARS-ta oo siyaasiin ahaa, islamarkaana u muuqatey, in aysan meesha wax mansab siyaasadeed oo weyn ka heleynin!”.
Wuxuu keloo sii raacsadey “waxaan hubaa oo aan maqley, in khilaaf weyn oo qarsoon uu ka dhex jiro maamulkooda sare, oo qaar maamulka sare ah, waxay doonayaan in arrimaha wax laga bedelo oo xitaa ugu yaraan wadahal la furo, waana waxa dowladdu ay u qabaneyso wadatashiga oo waxaan hayaa in ragg maamulka sare ka tirsan lagu qanciyey in siyaasadda dowladda iyo maamulkeeda wax laga bedelayo, taasoo fududeysay ka bixitaanka magaaladda Muqdisho iyo waxaan keloo kuu hubaa halkii lacagaha ay ka heli jireen oo xirantey, ururkuna waxaa soogaarey dhaawac aad u weyn oo waxaa la diley Hogaamiyihii guud ee ay sheegan jireen Usaama, sidoo kale waxaa la diley laba xubin oo muhiim ahaa, islamarkaana isku xiri jirey soomaaliya iyo kuwa kale ee caalamka, shacabka soomaaliyeedna wey naceen hab maamulkooda guracan ee geedaha ka addagg, marka intaas la isu geeyo way fashilmeen” ayuu yiri
Akh-riste Is-weydiintu waxay tahay, shacab intaas oo dhbibaato ah loo geystey oo misana berigii ciidamo aan dalkooda u dhalan baabi’inayaan, kadib marka ay is-baac-sadaan kooxo kale oo la shaqeeya iyaga, islamarkaana sheegta Islaam, kana gudbey xuduudihii alle iyo kuwii kale ee bani’aadamka maankiisu ku cabirey, marka haddii xoolihii yaraa ee ay dhaqanayeen iyo dhul beereedkoodiina ay haleeshay abaar, nabad-gelyana loodiidey in ay ku joogaan, sow ku dhicimeyso wax hadda haysta iyo wax ka daran?!, waxaase hubaal ah, dowladaha kale ee caalamka shucuubtooda haddii ay ahaan lahaayeen kuwa sidaan noqdey in xili hore ay baabi’i lahaayeen waana mahad alle isagaana shacabka soomaaliyeed ka bixinaya dhibka haysta.
Marka intaas oo ficil dhacay ah dib loo eego, miyaaney imaneyn su’aasha cinwaankeena ah iyo kuwo kale oo is-dabayaal oo dulicdiyo ujeedadoodd aan wali la garan!, halkuu ku dambeeyey xeerkii xuquuqul insaanka ee waxa lagu sheego Qaramadda Midoobeey ay dejisteen ee xuquuqda aadanaha?!, Dimuqoraadiyaddii dowlado badan oo dhisnaa loo dumiyey misana lagu bedeley wax lagu sheego maamul wanaag halkey ku dambeysaa?!, mise dadka Soomaaliyeed ayaan ahayn bani’aadamkii xurmadda lahaa ee wax ka sixiixay xeerarkaas kala duwan ee ay degsadeen Ummaduha dunida?!
Mise Xeer Dimuqoraasiyadd iyo xuquuqul insaan gooni ah oo dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu dhaqo ayaa kan noqdey?!, maxay tahay godobtaas gaamurtey ee geyiga soomaali qarni kasta lala dul taagan yahay?!, inta aan geba gebeyn qormadda aan ku weydiiyee Akh-ristaha sharafta lahoow Bal maxaa ka dambeyn Dimuqoraadiyadda dabshidkeeda sidaan uu noqdey, haddii dunida oo dhan ay wada qaato Dimoquraadiyad, maxaa xigi oo looga guuri doonaa oo xeer u ahaan doono aadanaha, mar haddii hore loo diidey Kitaabka Quraanka oo dadyowga muslimiinta ah ku dhaqmaan?!!!.
Ugu dambeyn inkastoo ay jiraan arrimahaas iyo kuwo kaloo badan oo aan hoos u qodin, haddii aan soo geba gebeeyo qormadeena oo aan dib u eegno falalkii kala duwanaa ee gumeystayaashii soomarey dalka soomaaliya iyo sida uu u kala qaybiyey oo lagu daro, xaaladahii kala duwanaa ee aan kor kusoo xusney oo ay ugu dambeeyaan mudada 21-ka sanno waxa dalkeena ka dhacay iyo sida naloo takoorey iyo sida naxariis la’aanta ah ee ay ugu dirirayaan shacabka soomaaliyeed dushooda labada fikir ee iska soo horjeeda ee ay kala taageerayaan dowladaha caalamka, miyaan la oran karinTaageeradda Caalamku, Ma Takoor iyo Toogashaa??!! Jawaabta su’aasha waxaan u daayey Akh-ristayaasha qormadeenan.
Dhamaad
Subscribe to:
Posts (Atom)