Monday, October 26, 2015

DAWACAA SALAAD DIIDEY INEY TUKATO!!

Sida la ogyahay dawacadu waa qayb ka mid ah dugaaga ku nool keynta, waxayna caan ku tahay inay ay cunto hilibka cayriin ama bakh-ti ha ahaato ama iyaduba ha dilatee. Dawacadu xiliyada abaaraha waxay ku nooshahay xoolaha bakh-tiyey IMW marka la gaaro guga waxay u gaarsataa arriga iyo wixii la awood siman. in kastoo la sheego in mararka qaar ay daaqdo caswka, haddana nolosheeda oo dhan waxay  ku nooshay waa hilibka cayriinka ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyadoo ordeysa aadaan ku dhacay dhegaheeda!!,  mise waxa  aadaanmayo waa Diiq!!, markii salaadii la aqimey ayaa waxay arragtey in Imaamku uu yahay Diiqa, intey gadaal gadaal u boodey ayey qososhey!! markii la weydiiyey maxaad ku qososhey, waxay tiri "Anniga salaad matukanaayo, sababtoo ah, Diiqa lugihiisa waxaa ka muuqda saxaradii uu maanta oo dhan faagg faagayey!!".

Diiqii ayaa ku jawaabey "Adiga waxa afkaaga iyo cidiyahaaga hore ka muuqdo, sow uus, dhiig iyo hiliba cayriin ma ahan, maxaad Cagahayga ka eegaysaa!!??"

Kadib maxaa dhacay!!? wixii dhici lahaa uun baa dhacay!! addinka lee waaye ann maku jiri!!

Mahadsanidiin

No comments:

Post a Comment