Daanyeerku wuxuu keloo ka mid yahay kuwa lab dhediga leh ee ku nool keynta. sababtoo ah, bani'aadamka oo kale ayuu u maseyraa, isla markaana u garaacaa sida ragga qaarkood ee aan damiirka lahayn ee dumarkooda tuma. sidoo kale sida bani'aadamka qaarkiis u dhibaato badan yahay ayuu isaguna u dhibaato badanyahay!
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa odey reer guuraa ah wuxuu degay geed weyn hoostiisa, geedkuna wuxuu Hoy u yahay koox daanyeero ah, isaguna ma ogeyn oo odey mudo dheer jid ku soo jirey buu ahaa, markii la gaarey xiligii hoyaadka kooxdii Daanyeerada ahaa waxay u soo hoydeen halkoodii, xiliguna waa gabal dhac.
Daanyeerkii ugu da'da weynaa ayaa ugu soo horeeya, mise wuxuu arkey geedkii guriga u ahaan jirey oo la degan yahay intuu salka dhulka dhigey ayuu kooxdiisii dib u eegay oo hore eegay korna eegey ayuu dhawaaqey mise islaantii guriga lahayd ayaa ku soo baxdey waxay isku daydey in ay u caga jugleyso, balse meeshiisii kama dhaqaaqin bal iyada ayuu u caga jugleeyey!!
Islaantii intey baqdey ayey dib guriga ugu noqotey iyadoo leh cabdiyoow koox daanyeero ah ayaa gurigeena hor dhooban iney duulaan yihiina waan u maleeyey. odeygii ayaa hore u soo qaatey qaanso, leeb iyo bilaawe, iyaduna waxay soo qaadatey masaar oo banaanka ayey u soo baxeen oo waa la is arkey!!
Odeygu wuxuu ahaa nin waayo arrage intuu eegey daanyeeradii ayuu dhinacyada fiiriyey, mise meeshuba waxaa dhooban digo daanyeer, dufteeda iyo haarihii geeda fuulkooda intuu yaabey oo qosley ayuu gurigiisa dib ugu noqdey, daanyeeradiina intey soodhaqaaqeen ayey geedkii fuuleen sidey u dhan yihiin!!
Markii uu waagu baryey oo qofkii socoto ah, marka uu ugu yaraan 1km uu soo socda la arko in uu ruux yahay ayey geedkii ka soodegeen Daanyeeradii, waxayna bilaabeen qash qashaad iyo cagajugleyn ay ku sameynayaan haweeneydii reerka!! Odeygii ayaa soo baxay mise koodii ugu weynaa ayaa canaantey kuwii kale!!
Sidaas la isagama harine, odeygii wuxuu go'aansadey in deegaanka reerka wax ka bedelo, waayo. haddii ay caawa soo noqdaan wuxuu ka baqayaa in ay wax sii qasmaan waa isaga xaaskiisa iyo xoolihiisa keliya.
Odeygii reerka wuu ka rarey meesha oo wuxuu dejiyey meel 500m u jirta geedkii, mise daanyeeradii ayaa xiligoodii yimid, mise waxay arkeen reerkii oo ka guurey meesha, sidaas bay habeenkii kuwaa bariisteen. laakiin markiiuu waagu baryey ayey reerkii halka uu degay kadaba tageen oo way soo eegeen mud ayey goobtii fadhiyeen oowey iska soo dhaqaaqeen!.
Waa soo barya sidaas ayey sameynayeen, waxay sidaas hawshu ku socoto, maalin maalmaha ka mid ah, odeygii reerka oo xoolo waraabinaya ayaa waxaa u yimid koox daanyeero ooman, halkii buu sidii xoolihii shubaaliyey ama waraabiyey oo sidaas isaga baxeen reerkii meesha deganaa, heer waxaa la gaarey in xoolaha ay u raacaan Daanyeeradii deriska ahaa!!.
Odeygii iyo reerkiisa markii jiilaalkii ay ka baxeen oo la gaarey xiliga guga, wuxuu go'aansadey in markaan halka qaraabadiisa ay ka dhowdahay uu u guuro sidaas bey ku tashadeen isaga iyo xaaskiisa, subixii markuu waagu baryey ayey bilaabeen in gurigii ay dumiyaan ratiga saaraan, mise Daanyeeradii oo dhan ayaa ku soo kalahay, markii ay arkeen reerkii oo guuraya, ayey wada Ilmeeyeen, kadibna way la guureen!!
Sida caadadu tahay daanyeeradu inta xayawaan ee dibad jooga ah, waa kuwa ugu dhibka badan ugu falka xun, haddana kooxdan daanyeerada ah waxay ahaayeen kuwo kadhaqan duwan kuwa kale, halkaasna waxaalaga barankaraa cashar aad iyo aad u baaxad weyn oo sharaxaadiisa ay qaadaneyso dhowr sanno.
Odeygii, ayaa wuxuu go'aan ku gaarey in daayeeradan dhaqankooda wax ka ogaado, balse falalkii ugu yaabka badnaa ee uu arko, ayaa wuxuu ahaa in daayeerku sida bani'aadamka oo kale ay gogol dhaaf sameeyaan, isla markaana sida bani'aadamka oo kale ay u maseyraan oo wliba maseyrkoodu uu ka daran yahay kan bani'aadamka, wuxuu keloo ogaadey in sida ay isu dhaleen isu raacaan
No comments:
Post a Comment