SHABAAB TEGYE TALLADA KU DARA IN LA TAAGAN YAHAY WAQTIGII XINKA IYO HINAASAHA LANDS-YADA AMA MAAMULL GOBOLEEDYADDA!!
Maamull goboleedyadu dadd baa moodaya in ay yihiin waxa ugu fiican oo ay yeelatey ebid!, haddana aysan ogoleyn in laga dhaadhiciyo in waxani uusan sax ahayn. Kaaga sii darane waxaa la yaab iyo ugub dadka ku noqon doono xin, hinaaso, qas iyo jahwareerkii ugu darnaa in uu soo socdo oo qaab loo xalliyo la garan waayi doono haddaan tallo xag Alle timid mooyee balse sida qorshuhu u badan yahay wax ka daran Al-shabaab ayaa soo socda.
Sababtoo ah, maamull goboleedka dhexdiisa ayaa xal u baahan doona, kadibna waxaa uu bilaabayaa xin iyo xifaaltan kala dhexeeyo kuwo kale. Wali lama hayo wax lagu xalliyo oo aan ahayn dagaal iyo buuq. Marka hore laba laba ayey madaxa isula gellayaan, marka xigana waxaa bilaabanaya deegaameysi qabiil ku dhisan kadibna dabaska ayaa salka la wada dhigan doonaa oo haddana meel eber ah laga soo wada billaabi rabaa!!