Thursday, November 19, 2015

MID KA SOOJEEDA BEELAHA CUNSURIYIINTA SOOMAALIYEED...!!

Maalin ka mid ah maalmihii adkaa ee aan soomarey ayaa annagoo dad badan ah oo fadhina goob lagu diyaariyo arrimaha shekh-siga, isla markaana fayl dheer loogu jiro shan xafiisa, ayaa waxaa yimid koox dad kale ah oo dooneysa in ay feylka galaan.

Shanta xafiis mid keliya ayaa soomaali ka ah, inta kale oo dhan waa cadaan, afrikaan iyo carab. ninkasta marka la yeeriyo magaciisa xafiis gaar ah buu tagaa, sidii feylka loogu jirey, kii soomaaliga ahaa ayaa markiisa dad u yeeris bilaabey. wuxuu hadley hal mar  oo aan la maqleyn dib dambe ma hadlin oo wuu iska aamusey, wax usoo dhaqaaqo ayuu waayey, wax yar kadib mar kale ayuu hadley oo qof kale u yeerey, haddana isagoo doonaya in uu ka gudbo ayaa booskii waxaa isla istaagey kii markii hore uu u yeerey iyo kii dambe ee uu u yeerey!!

labada kooxood mid waa soomaali, halka kuwa kale ay ahaayeen ajnabi aan dooneyn in aan magacooda xuso, kuwii Ajnabiga ahaa ayuu qaabiley, kuwii soomaaliga ahaana wuxuu yiri "anniga idiimba yeerin...!!" balse taasi waxaa beeninaya warqada ay wataan ayaa waxaa ku qoran nambar.

Markii uu qaabiley dadkii ajnabiga ahaa kadib ayuu iyagii si ay ku jirto caga jiid iyo huruufid badan u qaabiley isagoo wajigiisa ay ka muuqato caro aad u daran. ninka sidaa sameynaya wax yar kadib waxaa uu yeeriyey magac kale oo soomaali ah dadkii oo dhan ayaa wada maqley qofkii loo yeereyna wuu maqley oo tegay oo hawshiisa si fudud loogu soodhameeyey iyadoo wajigiisa aysan ka muuqan wax caro ama huruuf.

Balse waxaa iga yaabiyey markii dambe sheeko isla goobta ka dhacdey, isla markaana tilmaan khatar ah ka bixineysa qaabkii hore uu sameeyey iyo kuwii kadambeeyeyba kadib marka laguu akh-riyo ama laguu sheego iyadoo sideeda ah xitaa annigaygaan wax qorayo aadan iga rumeysaneyn. sidaas darteed haddii MID KA SOOJEEDA BEELAHA CUNSURIYIINTA SOOMAALIYEED...!! oo xafiis fadhiyo uu khaldo kumanaan dukumiintiyo ah ama waraaqo ah, isagoo ujeedkiisu uu yahay CUNSURIYAD-NIMADA KU JIRTA darteed, goormaa la sixidoonaa, waqti intee la eg ayey qaadankartaa kuwo uu khaldey iyo kuwii kadambeeyeyba??

mahadsanid

Sunday, November 15, 2015

WAA INEY HEEGAN BUUXA GALAAN CIIDAMADA QALINKA SIDA EE SOOMAALIYA!!

Difaaca xuduudaha dalka, Berriga, Badda Iyo Hawda mudadii 25-ka sanno ee qarankeenu burbursanaa, laguma ilaalineyn qori, waxa lagu ilaalinayey wuxuu ahaa qalinka saxafiga soomaaliyeed meel kasta oo uu dunida ka joogo.

Sidoo kale, gurmada iyo gaashaanka ugu horeeya ee shacabka soomaaliyeed ay haysteen wuxuu ahaa Qalinka saxafiga soomaaliyeed.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu xadgubo meel kasta oo uu dunida ka joogo kan isha ku hayey wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan qalinkiisa sida madaafiicda ugu casrisan ee dunida udhacayey, isla markaana loo dilayey ee loo xirayey isagoo aysan u dhameyn xuquuqihiisa guud iyo kuwiisa gaarka ah, wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.

Kan kinayey mujadaha ugu awooda badan ee dunida, isla markaana isku xirayey dunida inteeda kale iyo soomaaliya wuxuun ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka har iyo habeen u soojeeda ilaalinta sharaftii Ummadda, isla markaana ka harey qarankii soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka isagoo qaxaya, isla markaana dhuumaaleysi ku nool ee ilaalinayey Muwaadinka soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.

Kan Horumarka nabadeed ha yaraado ama ha badnaado Ummadda gaarsiiyey wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka keydiyey keydadd qaraniyaal aan ka dhamaan Qaranka soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan guulo wax ku ool ah ka soo hoyey dunida inteeda kale, isagoo aan dhiig daadin waa saxafiga soomaaliyeed.

Kan hurdada ka kiciyey khubaro badan oo qaranku lahaa waa saxafiga soomaaliyeed, sidaas darteed ciidanka Qalinka sida ee Soomaaliya waa iney heegan buuxa galaan, iyadoo aan cid loogu turayo aysan jirin qiimaha madaxbanaanida qaybaheeda kala duwan waa in si toos ah haraadka bulshada ay u qabto qaybaha awooda wareed ee lagu naafeyn karo cadowga gudaha iyo kan dibadda soo bandhigaan si looga baxo mush-kiladaha taagan xiligan iyo kuwa soo socda mahadsanidiin

Friday, November 13, 2015

SOOJEEDIN IYO DIGNIIN KU SOCOTA SIYAASIINTA, AQOONYAHANADA, GANACSATADA SOOMAALIYEED!!

Marka hore waxaan ka cudur daaranayaa inaan oraahdeyda loo fasiran siyaabo kala duwan, marka xiga ma ahan wax dan gaar ah aan ka leeyahay ee ujeedkeygu waa dann Ummadeedd.

Waxaan filayaa in wax badan laga dheregsan yahay hab dhaqanka dowladaha deriska, gaar ahaan Dowladda Kiiniya mudadii 25-ka sanno ahayd ee qaranka soomaaliyeed uu burbursanaa. dowladda Kiiniya burburka qaranka soomaaliyeed waxay ka heshey fursado badan dhinaca dhaqaalaha, siyaasada, ammniga iyo ciidan intuba. waxayna habeen iyo maalin xabsiga dhigayeen shacab soomaaliyeed oo sharci ku jooga dalkaas iyo kuwo aan ku joogin, xitaa kuwii ay gumeysiga ku haysteen ee soomaalida Kiiniya lagu sheego ayey xir xiraan.

Sidoo kale waxay si xush-mad daro ah hadda ka hor u xirxirtey siyaasiin soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, iyadoo waliba ku dartey qunsulkii safaaradda soomaaliya. dhinaca kale Kiiniya waxay heshiisyo shidaal baaris ah ka wadey in mudo ah xuduuda dalka soomaaliya gaar ahaan Block L5 (LAAMUU) iyo deegaanada ku xeeran iyadoon aan wax gabasho iyo xushmad sharci caalami ah, mid qaaradeed,  mid gobol iyo mid xuduud  deris aysan eegaynin.

08/09/2011 Baarlamaanka soomaaliya ayaa diidey wax lagu sheego heshiis is-af'garad, kadib markii si farsameysan ay heshiis macmal ah uga sixiixatey wasiir ka tirsanaa xukuumadii Cumar Cabdirashiid waa kan codkii baarlamaanka halkaan ka dhegeyso (http://somalitalkradio.com/cod/2011/goaan_barlaman_oct82011.mp3).

Kiiniya waxay qoraal u gudbisey maxkamada caalamiga, iyadoo ku candacooneysa in soomaaliya iyo kiiniya ay heshiis muran badeed ah hore u gaareen, waxaa kale oo jira tilaabooyin cad cad iyo kuwo qarsoon oo ay gudaha soomaaliya kawado

Waxay keloo Kiiniya si cad oo aan gabasho lahayn gudaha dalka soomaaliya ciidamadeeda u soogaleen 09/10/2011, iyadoo mar marsiiyo ka dhiganeyso in Al-shabaab gudaha dalka soomaaliya kula dagaalameyso. horna xeryaha qoxootiga Kiiniya ayey dhalinyaro soomaali ah ka qoraneysey, kadibna waxay dhistey maamul ku sheega Axmed madoobe Wakiilka uga yahay.

Kenya in mudo ah waxay ku celcelineysey in qoxootiga soomaaliyeed ee jooga dalkeeda ay dib ugu soo celineyso dalkooda. dhamaan arrimahaasi markaad si guud iyo si gaar ah u eegto waxay bixinayaan digniino is-dabajoog ah shacabka soomaaliyeed iyo siyaasiintooduna ma ahayn kuwo u soojeeda arrimahan inta badan sidaas darteed, waxaan soo jeedinayaa:-

1- In Siyaasiinta, Aqoonyahanadda, Ganacsatada iyo wax-garadka soomaaliyeed ee jooga dalka Kiiniya, iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxaan.

2- Ciidamadda soomaaliyeed ee jooga gobolada Jubada hoose. dhexe iyo gobolka geddo in ay heegan buuxda galaan, isla markaana ay gebi ahaan iska ilaabaan magaca beenaadka ay ku joogaan ciidamada Kiiniya iyo kuwa Itoobiya.

3-Mas'uuliyiinta sare ee dowladda soomaaliya qaybaheeda kala duwan, in ay fadhiga ka kacaan oo Ummada soomaaliyeed ee hogaankeeda ay hayaan, waa in halka saxda ay ku hogaamiyaan.

DIGNIIN!!

Haddii arrimaha aan kor ku soo xusey aan lagu eegin arragti hufan, waa in loo diyaar garoobaa miizaano fara badan oo aan u liicidoonin sida wax loo doonayo, isla markaana keeni kara kala daadasho xoogg badan, taasoo sida looga soo kabto ay addkaan karto.

Taariikh-dan iyo Tii Axmed Gureyna waan leeyahay ee Intaana ku nasta ama dhiigu ha idiinku karo!!
Mahadsanidiin
By:- Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Minnesota USA

Wednesday, November 11, 2015

SEDDAX TILAABO KADIB, MISE WAXAA SII SOCDA WAA IYADII!!

Waxaan ku fadhiyey kursi, waxaan usii jeedey dhinaca barriga, midig waxaa iga xigey miis computer saaran yahay iyo kursi kale,  waxaa inoo dhexeeyey hal mitir iyo bar oo laba qof  dhuudhuuban isaga gudbi karto, waxaa si xushmad ay ku jirto dhinaceyga u soomartey iyada!!!. waxayna qaadeysey tilaabo miizaan culus leh, isla markaana dareeno kala duwan xambaarsan!!.

Seddax tilaabo kadib, mise waxaa sii socda waa iyadii!!, Gabalkii baa sii dhacaayo, anniguna waxaa horteyyada yiiley buugg tirada baalashiisu ay badan yihiin oo misana aad u waaweyn yihiin, waxaan si deg deg ah u dulmarey buuggii mise waaba juquraafiga aduunka!!

Buugga waxaa ku xusan wax badan oo Juquraafiga aduunka, balse annigu xiligaas ma ogi ma diyaarad baan saarnaa, ma xafiis baan dhex fadhiyey, ma badda dusheeda ayaan dooni dalxiis ku maraayey, mise gaarigeygii yaraa ayaan watey oo sawir aan jirin ayey ahaayeen waxa aan tilmaamayo bal addiga meel uun ku qiyaaso!!

Waxaa xiise gaar ah igu reebey sawiro badan oo aan daawanayey iyo sida ay iyadu dhinacayga u martey iyo seddaxdii tilaabo ee miizaanka culus lahaa, wixii xiligaa ka dambeeyey daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa waxaa soo if-baxaayey culeys igu sii ziyaadayey!!

Naftu rabitaankeedu ka rumee mooyee ka reyso ma leh. annigoo maahsan, mise waxaa la ruxay kursigii aan ku fadhiyey!! ma fileyn in gadaal la iiga imaan doono. sidoo kale ma fileyn in waxa ii shidan ay qasmidoonaan, mise waa iyadii oo leh i hogaami!!

Naxdin darteed kursigii baan ku dhegay, dhaayo  mooyee dhawaaq iyo dhaqaaq ma leh, dheguhu waxay maqlayaan dhawaaq dhadhan leh, laabtu waxay dareemeysaa xat xato ama lulasho leyr macaan leh oon laaluush lagu bixin!!

Yaa Salaam Ma Sii Wadaa, Mise Waaban Joojiyey.
Intaas waxaa inoogu egg barnaamijkeenii bulsho iyo baashaalkeeda iska fiiri yaan lagu jururucoon maha!! addlee mo'ohoooooooooooooooooo!!??



SIDEE AL-SHABAAB DUNIDU AWOOD U SIISAA IYADOO QARAN SOOMAALIYEED JIRO!!??.

Sida aynu ognahay dalka soomaaliya mudo 25 sanno waxaa ka socda fowdo aysan mas'uul ka ahayn shacabka soomaaliyeed balse ay mas'uuliyadeeda leeyihiin Madaxda maqaar saarka soomaaliya iyo Hogaamiyayaasha caalamka ee hamiga hororka leh.

Sababtoo ah, shacabka soomaaliyeed wuxuu leeyahay dhaqan soo jireen oo uu ku xaliyo mush-kilad xilyeedka aduunka soomarey iyo kuwa taagan xiligan, mana ahan shacab colaadeed oo dunidu way ogtahay. Daliilnaa waxaa inoogu filan tan iyo qarnigii 14-aad  ilaa qarnigii 19, dalka iyo dadka soomaaliyeed waa lagu sooduulayey ilaa xiligan aynu joogno duulaan baa lagu yahay. dadka soomaaliyeed cid gaar ah oo ay ku duuleen ma jirto habeen iyo maalin waxay ku jiraan is-difaac joogto ah.

Waayo, sidee Al-shabaab dunidu awood ku siisaa iyadoo aan beena laga sheegin xaqiiqooyinka jira akh-riste mac-quul ma kula tahay in dunidu ay ka awood badan yihiin Al-shabaab!!?? Haddii jawaabtaadu ay tahay may, sax ma ahan. Sababtoo ah, Al-shabaab dunida ayaa awood siisa.

Xaqiiqadu waxay tahay, haddii qarax meel ka dhaco ama qof siyaasi sare ah lagu dilo meel ama la af-duubto ama duulaan meel lagu qaadey intuba waxaa sheegta Al-shabaab duniduna way ka ogolaataa!! Haddana markaad si guud iyo si gaar ah u eegto, waxaa kuu soo baxaya sawir ka duwan waxaas la sheegayo. ileen dilalka dhaca, qaraxyada, weerarada, wararka warbaahintu ay tebiso, markaad si qoto dheer u dhuuxdo waxay sawir buuxa ka bixinayaan falalka amaan dero ee ka socda dalka soomaaliya.

Aan ku xasuusiyo dhowaan gudiga dabagalka ee cunaqabateynta hubka dowladda soomaaliya oo dhowaan warbixin ay ka qoreen soomaaliya warbaahintu soo xiganeysey ,weerarada ay geystaan Al-shabaab  ee dhinaca Hoteeladda bal dib u dhuux!! tan kale haddii dowladaha danaha is-tiraatiijiyadeed ka leh dalka soomaaliya ay arkaan khubaro soomaali ah oo danahooda ka soo horjeeda, waxaa si deg deg ah loogu fuliyaa dil toogasho ah ama qarax sida aan ku hayno ilo wareedyo kala duwan. sidoo kale, haddii dil aar goosi uu dhaco, isla markaana dilkaasi lagu fuliyo shekh-si khabiirada soomaaliya ka tirsan, waxaa sheegta Al-shabaab.

Xiliyadii hore ee dowladii dhexe, haddii shekh-si siyaasi ah uu dowladda ka soo horjeesto ama mucaarado ama lagu helo dembi ka dhan ah dowladda, dowladu waxay ku xukumeysey xariga, ganaax, shaqo ka fariisin, dil IWM, laakiin  Hogaamiye kooxeedyadii, dowladihii KMG-da ahaa iyo dowladda xiligan jirta waxaa lagu xantaa in hawshooda ay tahay qaarajin!!, kadibna Al-shabaab ayaa sheegta.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dalka soomaaliya ku sugan, waxay ku joogaan qandaraas, iyaguna wixii qandaraaskooda wax u dhimaya ma ogola in ay sii eegtaan, marka intaas la isu geeyo falalka ay geystaan oo wixii dhan ay sheegtaan Al-shabaab maxaa kuu soo baxaya!!??

Akh-riste bal addiga is-weydii arrintaas ma kula tahay wax mac-quul ah!!?? Sidoo kale markaad is-weydiiso jawaabta kuu soo baxda haddana miizaan saar oo sax ma kula tahay!!??

Hadaba jawaabtaadu sow noqon meyso SIDEE AL-SHABAAB DUNIDU AWOOD U SIISAA IYADOO QARAN SOOMAALIYEED JIRO!!??. Dalka, Dowladda iyo shacabka soomaaliyeedna u bahdishaa!!??.

Marka ay jawaabtaasi kuu soo baxdo, maxay tahay waxa maskaxdaadu ku soodhacayo!!??.

Ficliyan arrinkaasi sax ma ahan, Duniddaa awood siisa Al-shabaab, xaqiiqaduna waxay tahay, Al-shabaab kama tiro badna shacabka soomaaliyeed, kamana xooga badna ciidankii gumeystaha ahaa ee dalka iyo dadka soomaaliyeed kala qaybsadey qarnigii 19-aad.  Shacabka soomaaliyeedna kama aqoon yara soomaalidii xiligaa nooleyd iyo hogaamiyayaashooda, balse waxaa jira dano siyaasadeed oo midba si wax loogu sheegayo madaxda maqaar saarka ah ee ka taliya deegaanada soomaaliya.

Haddii qofkii la dilo loo saariyo Al-shabaab, kuwii wax qarxiya loo saariyo Al-shabaab, kuwa soo duuley loo saariyo Al-shabaab, dalkuna ay joogaan ciidamo Ajnabi ah iyo kuwo soomaaliyeed, isla markaana wali la sii dalbanayo ciidamo kale iyo dhaqaalo hor leh, micnaha ujeedkaasu annigu ma garanayo ee waxaa garanaya dowladaha dunidda. Waxaan qoraalkeygan yar ku soo koobayaa SIDEE AL-SHABAAB DUNIDU AWOOD U SIISAA IYADOO QARAN SOOMAALIYEED JIRO!!??.

Monday, November 9, 2015

GACAN MA ISIIN KARTAA!!??

Eraygan gacan ma isiin kartaa, mar waa su'aal, marna waa suryo saaqeed sodonka sanno ee soo socda!.

In mudo ah dadka soomaaliyeed waxay sheegayeen dhibaatooyin kala duwan oo laga dhex wado dalka iyo dadka soomaaliyeed, kuwaasoo leh kuwo si cadaan loola socdo iyo kuwo qarsoon.

Dadka wada arrimahan intooda badan markii si guud iyo si gaar ah loo baarey, waxaa la ogaadey intooda badan in ay yihiin shelay kooyto iyo shilin maal shirko noqdey.

Markii hore is-ma aqoon oo is-mana arki jirin, laakiin mid kasta markii ay sii dabadheeraatey xaalada soomaaliya ka jirta, wuxuu u baahdey in uu gacan weydiisto midba midka kale, iyadoo wax hore loogu balamey saysan jirin.

Sheekaduna waxay ku bilaabatey GACAN MA ISIIN KARTAA!!?? jawaabihii la is-weydaarsadey waxay noqdeen waxa hadda dalka iyo dadka soomaaliyeed ka socda. sheekaduna wali fari kama qodna oo waa ka sii sall-baraalar tahay.

Anniga in mudo ah, ayaan arrimahan ka hadlaayey oo waan dabataagnaa, awoodeyda waxay noqotey inaan qaab sarbeeb ahaan u sheego. sababta keenteyna inaan sidaas ku sheego ma ahan cabsi ii gaar ah,balse waxay ahayd mid aan u baqayo dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ay daashatey dirirta dibiro weynta ee daabka isu sita.

Waxaa i xanuujinaaya, Erayo aan marna ka fileyn nin aan saaxiibo nahay, isla markaana waligeen isku dhinac wax ka wada eegi jirney ayaa wuxuu igu yiri "Saaxiib All-manoow runta makuu sheegaa anniga?" kadib waxaan su'aaley maxay tahay runta aad sheegeyso? wuxuu iigu jawaabey "saaxiib qabiiladii soomaaliyeed qaarkood waxay dhisteen maamulo sidaad ogtahay, maamul kastana wuxuu colaad soo jireen ah u hayaa maamulka kale, xalkooduna wuxuu noqdey iney ku diriraan sooohin beeleed iyo wax ka sii liita in mudo ahna wey socotey oo waad ogtahay hadda waxaa ku soo kordhey laba shey oo kala ah.

1-In beel kasta ay dhisato maamul si beesha kale aysan cudud militeri iyo mid dhaqaale ugu muquunin.

2- Tan labaad waxay tahay beelihii maamulada dhistey, waad ogtahay haddii shekh-si ka mid ah dadka deegaankaas ka soojeedo ama ku hayb ah uu khalad ka galo dowladda ama muwaadin kale ee soomaaliyeed oo la xiro, hore waxaa loo ogaa in ay qaylo dhaan afka furanayaan maamul beeleedkii, hogaamiyeyaashooda, caaqiladooda, culimadooda, haweenkooda meel kasta oo ay dunida ka joogaan ama haddii dowladdu ay qaado tilaabo aysan iyaga faraxgelineyn, buuq ayey af labadiisa daan qayliyaan taasi waa la ogaa.

Maanta waxaa soo kordhey, In beesha Hawiye oo aad ogtahay in mudo ah aysan wax ku heshiinin, haddii maanta aad wax ka sheegto Xasan Sheekh Ama Galmudug, shekh-siga ugu horeeya ee agtaada fadhiya ayaa kugu bilaabaya colaadin. beesha hawiye iyo digil iyo mirifle, waxay ahaayeen beelaha keliya ee laga dhaadhicin waayey in dalka la kala qaybiyo maanta iyagii ayaa ogolaadey oo wax walba dadkii kale kaga hormarey ee marka saaxiiboow sheekadu way kharaar tahay". ayuu yiri

Marka dadka soomaaliyeed ANNAGU, GACAN MA ISA SIIN KARNAA!!??

MAHADSANIDIIN

Saturday, November 7, 2015

SHAR WADAA KU LEH SHIBB DHEH!!

Shar wade sharaxaad uma baahna sidaan filaayo, sababtoo ah. wuxuu wado oo dhan ayaa shar ah.
Mid ka mid ah musharixiintii dalka soomaaliya soomarey mudadii burburka, ayaa mudooyinkii ugu dmbeeyey wuxuu la soo shir tegay in wax kasta nabad lagu raadiyo, isla markaana laga aamuso wax-yaabaha keenaya ama abuuri kara khalkhalka.

Isagu waa ninkii ka shaqeeyey in aduunyada oo dhan ka dhegeysato in gobolada woqooyi galbeed ee soomaaliya ay ka go'een dalka intiisa kale. waa ninkii ka shaqeeyey in ay abuurmaan maamul goboleedyada. waa ninkii ka shaqeeyey in koofurta soomaaliya ay ku xoogeystaan wadaadadiii hubeysnaa, waa ninkii ka shaqeeyey dhismaha hogaamiye kooxeedyadii ka jirey dalka soomaaliya, gaar ahaan koofurta soomaaliya.

isagoo intaas oo shar dhismahooda wax badan ku lahaa, ayaa haddana wuxuu u maanta u ololeynayaa yaan la hadlin oo wixii khalad ah ee jira yaan kor loo qaadin wixii wanaagsan keliya halaga hadlo!!

haddaba waa su'aale ninkaas waxa uu arkey maxay tahay xiligan muxuuse u dan leeyahay, addigase ninkeed ku tilmaami lahayd!!??


Mahadsanidiin

Thursday, November 5, 2015

BOCOREEY BOQOL SANNO KU DHAWAAD AYEY BIKRO AHAYD!!!

Waxay ku dhalatey barriga Afrika, waxayna ka soo jeedaa qoys ilaahay ku maneystey hanti, xikmad iyo xarun nafleyda dunida oo dhan jecelyihiin. iyaduna waxay lahayd qurux aad u dhameystiran taasoo ay kaga duwan tahay hablaha kale ee aynigeeda.

Waxaa la dhashey wiilal iyo gabdho tookhoodu sareeyo, bani'aadamka ilaahay  abuurey wuxuu leeyahay labb iyo dhedig, mid kasta goonidiisa uma noolaan karo hadduusan midba midka kale ku tiirsaneyn calaashaan aysan meel ku wada nooleyn. Sababtoo ah, ninka ragga ah iyo haweeneyda mid koodna ma dhameystirna ilaa ay reer qura wadayeeshaan.

Insaanku haddii uu qaan gaaro, qorsheyaal badan ayuu ku fikiraa, qaar waa hawl sugeysa sannadaha noloshiisa ka dhiman, qaar waa kuwa uu xiligaas joogo, halka kuwa kale ay yihiin kuwa uu ka soogudbey casharadii uu ka bartey sidii uu u xifdin lahaa. balse haddii aadan ku baraarugsaneyn laga yaabe inaadba noloshii dhameydba aad khasaarisey ama aad dhumisey wanaageed.

Bocoreey, markey banaanka u soo baxdo, bidhaanteeda guud iyo baatirnimadeeda bulshadii arragta, mid kasta booska uu joogiyo ayuu ka bururaa baashaalkii ay ku jireena badi wayba joojiyaan. waxay sidaa ahaataba Bocoreey bariba berri ayuu u dhiibey bilicdii ay lahaan jirtey barbaa ka luma, waxaa qayirmey quruxdeedii dhinac kasta.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo socota hawdka, isla markaana iska mushaaxaysa ayaa koox kurayo ah soo weerartey!!, Bocoreey asalkeed waxay u dhalatey xoog, balse hadda xoogeedii wuu sii dhimanayaa mase oga, kuwa soo weerarey waxay ahaayeen funey ama dabar la bood ama kuray!!.

Kurayguna sida la ogyahay waxaa la sheegaa in uu yahay  ruuxa insaanka ah ee ilaahay abuurey,isla markaana dunidaan guudkeeda saaran kan wax walba iskala weyn oo aanan daalin hurada iyo soojeedka ay isaga mid yihiin haddiiba uu arko wax ka duwan wixii noloshiisii hore.  lama xisaabo xoogiisa, xikmadiisu oo waa mid gebi-dhacleyneysa waxa uu sida saxda ah uga fikiro wayba yar yihiin.

Kurayadii seddax bey dhulka dhigtey, balse mid kuusan baa sidii koortii oo kale iska luley dhabarkeeda dambe!! Ogoow BOCOREEY BOQOL SANNO KU DHOWAAD AYEY BIKRO AHAYD xiligaas!!





Monday, November 2, 2015

MAHAD-CELIN KU SOCOTA AKH-RISTAYAASHEYDA

Marka hore iga gudooma salaan kal iyo laab ah, marka xiga waxaan si gaar ah idiinkaga mahad-celinayaa taageerada aad ii muujiseen iyo dedaalka dheeraadka ah aad gelisaan qormooyinkeyga fikriga ah ee noocyada kala duwan leh iyo kuwa kale ee aan idiinla wadaago.

Marka xiga waxaan idiinka codsanayaa Qoraagu wuu khaldaa, akh-ristuhu wuu saxaa ee wixii khalad ah ee aad arragtaan in la iga caawiyo. tilaabo kasta oo la qaado waxay leedahay faa'iido iyo khasaaro. mararka qaar khasaaraha nafsad ahaantiisa ayaa faa'iido noqda.

Sababtoo ah, addiga haddii uu khasaare kuugu fadhiyo, bulsho kale oo badan ayuu faa'iido ugu fadhiyaa, marka is-dhaafsiga fikraduhu waa muhiim.

Waan ogahay inaad kala joogtaan dalal badan oo caalamka ah, haddana markii aan si gaar ah u eegey akh-ristayaasha ugu badan waxay ku nool yihiin toban dal sida United State, Russia, Slovakia, Ireland, Portugal, Somalia, United Kingdom, Ethopia, Kenya iyo Singapore.

DOWLADIHII KMG-DA AHAA MA LAHAAYEEN NATIONAL SECURITY SERVICE, MISE WAXAY LAHAAYEEN KUWO SHEKH-SIYAAD?!! Sababaha Dilka Wariyayaasha Soomaaliyeed.

DOWLADIHII KMG-DA AHAA MA LAHAAYEEN NATIONAL SECURITY SERVICE, MISE  WAXAY LAHAAYEEN KUWO SHEKH-SIYAAD?!! Sababaha Dilka Wariyayaasha Soomaaliyeed. 

In mudo ah waxaa socda ka hadalka  ugaarsi khaas ah ee lagu hayo wariyayaasha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaadna moodaa in dilka wariyayaashu uu  bixinayo sawiro kala duwan oo u bahaan in si dhab ah looga hadlo kuwaasoo si cad u muuqanaya. Sababtoo ah, waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa marka hore Qaranimadii Soomaaliya, Nolosha iyo xaaladaha kala duwan ee la soogudboonada shacabka soomaaliyeed iyo rajadii degenaashaha dalka iyo dadka soomaaliyeed ee la filaayey oo ceel ku sii dhacaysa haddii la aamusiyo. Sababtoo ah dilalka wariyayaasha soomaaliya waxa badiyey waxay tahay,

1-     Marka hore dhibaatada ugu weyn waxay tahay dalka kama jiraan wax la yiraahdo NATIONAL SECURITY SERVICE,   dhimashada arintaasi waxaa sababb u ahaa dowladihii KMG-da ahaa ee soomarey dalka ayaa ceel dheer ku ridey oo waxay dhisayeen keliya wax wax dila ee ma dhiseyn wax ammaanka dalka iyo dadka soomaaliyeed suga.

2-     Waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay dalka dhaxal-siiyeen waxaa ka mid ahaa ma lahayn NATIONAL SECURITY SERVICE, waxaana wax lala yaabo ah in Madaxweynuhu uu lahaa NSS u gaar ah, Ra'iisul wasaaruhu sidoo kale, wasiirada warkooda daa, xildhibaanada waxay lahaayeen sidaas oo kale, NSS-ta guud ee dalkuna waxay wadatay shaqo u gaar ah, cid kasta waxay doonta ayey xirasay oo dileysay, taasina waxay keentey in maamulka bannaadir uu isna yeesho NSS u gaar ah, iyadoo si hoose hore loogu xaman jirey hogaamiye kooxeedyadii, ganacsatadii la jaalka ahayd iyo beelihii hubeysnaa ee ka jirey koofurta soomaaliya qaarkood in ay leeyihiin NSS u gaar ah, sidoo kale maamulada kala duwan ee ka hanaqaadey dalka soomaaliya mudadii dowlad la’aanta iyaguna waxay leeyihiin NSSu gaar ah!!.

3-     Halkaasna waxaa ka soo baxay dhaawac weyn oo soogaarey ammaankii shacabka iyo guud ahaan dalka, taasi waxay keentey in wariyayaasha midba geestiisa ugu hanjabo oo la xiro amma si bareer ah inta loo dilo loo saariyo kooxaha ka soohorjeeda dowlada amma kooxda loo saariyey ay markeeda iska diido!!.

4-     Waxaa kale oo badiyey dilalka wariyayaashu waxay tahay, waxay hayaan xog fara badan oo dalka iyo dadka soomaaliyeed ah iyo dhamaan shaqada ka socota dalka oo waxay ilaaliyaan dhamaan qaybaha kala duwan ee xuduudaha dalka, cid allaale cidii kusoo xadgudubta waxay uga hortagaan si cadaan ah oo aan mugdi ku jirin, taasina  ma farax geliso kuwa ku soo xadgudbey xuduudaha dalka soomaaliya oo waxay dhalisaa in sirdoonka hay'adaha kala duwan ee caalamka  ee sida qarsoodiga uga hawl-gala dalka soomaaliya ay si dhakhso ah ugu hortagaan cidii ka hadasha wax danahooda ka soohorjeeda.

5-     Waxaa kale oo jira NGO,syo saxaafadeed oo iska soo horjeeda oo mash-ruucoodu noqdey cid alla cidii dhibaateysa wariyayaasha, wax ka sheegoodana dhaqaalo faro badan ku hela, islamarkaana waqti badan ku bixiya, in arrimaha noocaas oo kale ay taagnaadaan si xili kasta oo lagana hadlo.

6-     Kooxda ku qaraabada magaca diinta islaamka ee Al-shabaabna waxay noqdeen kuwa dadka diinta ka saara amma u ogolaada, wax aan iyaga ahayna aysan Islaam-nimo amma muslim-nimo sheegankarin, cidii aan iyaga la shaqeyna ay yihiin murtadiin amma gaalo, haddii ay khalad galaana aan laga hadlikarin, wariyayaashuna si cad iyo si dadban ayey uga hadlaan.
7-     Sidoo kale waxaa jira wariyeyaal u shaqeeya xarun warbaahineed oo lagu sabo dhaqaalo, maadaama ay yihiin dhalin yaro dhashey bur burkii kadib, islamarkaana aysan helin daryeelkii aqooneed iyo kii wadaniyadeed, kuwaasoo u addeega kooxo gaar ah, taasina waxay badisey in sheki weyn laga qaado wariyayaasha soomaaliyeed, kadib markii la heley qaar ka mid ah oo la safan kooha ka soo horjeeda dowlada amma kuwo taageersan dowlada amma kuwo aan dowlad iyo mucaarad aan u shaqeyneyn oo la heley, inkastoo aan dhammaantood cadeymo dhab ah loo hayn.

Dhammaan qodobadaas iyo kuwo kale oo aan halkaan ku soo koobikarin waxay noqdeen kuwo sababsada wariyayaasha soomaaliyeed oo runtii ah, naftii hureyaal la hubo oo dalka iyo dadka soomaaliyeed si hagar la’aan ah ugu addeega, iyagoo intooda badan aysan ka helin xarumaha warbaahinta ee ay ka hawl-galaan nolol maalmeedkooda, taasoo iyaduna ka hadlkeeda ay u baahan tahay waqti iyo xisaabtan gaar ah. Haddaba wariyaha soomaaliyeedoow maxaa kula gudboon in aad sameyso si aad dalkaaga iyo dadkaaga ay u badbaadaan, addigana aad u hesho xuquuqdaadii.

Mahadsanidiin.

Qoraalkan waxaan ku qorey  bogeyga facebook 03/11/2012-ka waa 3-Sanno kadib annigoo jooga Caasimada Dalka Jabuuti, sheekadiina maanta wali wey taagan tahay sheekadii aan ka hadlaayey, berina maxaa dhicidoona!!??

SHABEELKU SHAATIGII BOQORKUU SITAA!!!

Xayawaanka Shabeelku, wuxuu ilaahay siiyey qurux ka duwan noolaha afarta addin leh, haddana marka si guud loo eego wuxuu u egg-yahay Libaax mase ahan. mid ka mid ah boqoradii hore, ayaa Shabeel hadiyad loogu keeney!! xiligaas shabeelku ma ahayn mid sidaa u weyn oo magaca shabeelka keliya ayuu watey.

Markii boqorkii la wareegey haddiyadii, ayaa wuxuu ku xirtey meel aan isaga ishiisa ka fogeyn, halkaan baa mudo sannado ah lagu xanaaneyn jirey, markii uu soo xoogaabey, boqorkii wuxuu amar ku bixiyey in il gaar ah laga hayo oo la ilaaliyo si aan loo xadin.

Boqorku aad buu u jeclaa Shabeelka, sababtoo ah, xiligii uu yaraa boqorku wuxuu u gelin jirey shaarkiisa kadibna dhabta ayuu saaran jirey!! dadku markey agmarayaan waxay dhihi jireen "  "SHABEELKU SHAATIGII BOQORKA AYUU SITAA!!!".

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa wuxuu cayrsadey wiilkii boqorka, dadkii oo dhan cid ka dhicisey ma jirto. sababtoo ah, SHABEELKU WUXUU SITEY SHAATIGII BOQORKA!! Sidaas buuna ku cuney wiilkii boqorka.

Dadkii ayaa boqorka tacsi ugu tegay, mid kasta oo u taga boqorka oo u tacsiyeeya, wuxuu yiraahdaa maalinta wiilkaaga Shabeelku cayrsanaayey, waan arkeey boqoroow kama dhicinin, sababtoo ah, SHABEELKU SHAATIGII BOQORKUU SITAA BAAN IS IRI!!.

Maxaa kaga baxay halkaas!!???

Mahadsanid

Sunday, November 1, 2015

ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM HADRAWI "SUUGAANTU WAA INEY ADKAATAA OO MACNO LEEDAHAY!!"

Ilaahay ha u naxariisteen Saaxiibkeey Abdishakuur Mire Aadan oo aan hadda ka hor si hoose u sheekeysaney, ayaa wuxuu igu yiri "saaxiib addiga sarbeebta ayaad dadka ku diyaashe maad ka deysid?"

Anna waxaan ugu jawaabey saaxiib qashin kasta oo facebook ku jira, haddii aad si fasiix ah ama soomaalinimo aad u hadasho, wuxuu la soo boodayaa...!! marka anniga waxaan go'aansadey inta soomaalinimada la isaga imaanayo wixii ii gaar ah inaan si sarbeeb ah bulshada ugu gudbiyo.

Waayo, waxaa dhicikarta in kuwo naxariis daraneyaal ah ay ka faa'iideystaan, marka intey is-weydiinayaan oo wax isu-geynayaan soomaaliga dhabta ah haka faa'iideysto ayaan is iri.

Hadda ka hor mar aan wareysi gaar ah la yeeshey abwaanka weyn Maxamed Ibraahim Hadrawi, su'aalo aan weydiiyey oo dhinaca sarbeebta u badnaa suugaantiisa, mar uu ka jawaabayey wuxuu yiri "Suugaanto waa iney adkaataa oo macno leedahay...!!" sidaas darteed dadka is-waalayoow keligaa waalo wareer waaye, halagula waasho wanaag waaye.

Mahadsanidiin