Sunday, November 15, 2015

WAA INEY HEEGAN BUUXA GALAAN CIIDAMADA QALINKA SIDA EE SOOMAALIYA!!

Difaaca xuduudaha dalka, Berriga, Badda Iyo Hawda mudadii 25-ka sanno ee qarankeenu burbursanaa, laguma ilaalineyn qori, waxa lagu ilaalinayey wuxuu ahaa qalinka saxafiga soomaaliyeed meel kasta oo uu dunida ka joogo.

Sidoo kale, gurmada iyo gaashaanka ugu horeeya ee shacabka soomaaliyeed ay haysteen wuxuu ahaa Qalinka saxafiga soomaaliyeed.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu xadgubo meel kasta oo uu dunida ka joogo kan isha ku hayey wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan qalinkiisa sida madaafiicda ugu casrisan ee dunida udhacayey, isla markaana loo dilayey ee loo xirayey isagoo aysan u dhameyn xuquuqihiisa guud iyo kuwiisa gaarka ah, wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.

Kan kinayey mujadaha ugu awooda badan ee dunida, isla markaana isku xirayey dunida inteeda kale iyo soomaaliya wuxuun ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka har iyo habeen u soojeeda ilaalinta sharaftii Ummadda, isla markaana ka harey qarankii soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka isagoo qaxaya, isla markaana dhuumaaleysi ku nool ee ilaalinayey Muwaadinka soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.

Kan Horumarka nabadeed ha yaraado ama ha badnaado Ummadda gaarsiiyey wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Midka keydiyey keydadd qaraniyaal aan ka dhamaan Qaranka soomaaliyeed wuxuu ahaa saxafiga soomaaliyeed.
Kan guulo wax ku ool ah ka soo hoyey dunida inteeda kale, isagoo aan dhiig daadin waa saxafiga soomaaliyeed.

Kan hurdada ka kiciyey khubaro badan oo qaranku lahaa waa saxafiga soomaaliyeed, sidaas darteed ciidanka Qalinka sida ee Soomaaliya waa iney heegan buuxa galaan, iyadoo aan cid loogu turayo aysan jirin qiimaha madaxbanaanida qaybaheeda kala duwan waa in si toos ah haraadka bulshada ay u qabto qaybaha awooda wareed ee lagu naafeyn karo cadowga gudaha iyo kan dibadda soo bandhigaan si looga baxo mush-kiladaha taagan xiligan iyo kuwa soo socda mahadsanidiin

No comments:

Post a Comment