Wednesday, November 11, 2015

SEDDAX TILAABO KADIB, MISE WAXAA SII SOCDA WAA IYADII!!

Waxaan ku fadhiyey kursi, waxaan usii jeedey dhinaca barriga, midig waxaa iga xigey miis computer saaran yahay iyo kursi kale,  waxaa inoo dhexeeyey hal mitir iyo bar oo laba qof  dhuudhuuban isaga gudbi karto, waxaa si xushmad ay ku jirto dhinaceyga u soomartey iyada!!!. waxayna qaadeysey tilaabo miizaan culus leh, isla markaana dareeno kala duwan xambaarsan!!.

Seddax tilaabo kadib, mise waxaa sii socda waa iyadii!!, Gabalkii baa sii dhacaayo, anniguna waxaa horteyyada yiiley buugg tirada baalashiisu ay badan yihiin oo misana aad u waaweyn yihiin, waxaan si deg deg ah u dulmarey buuggii mise waaba juquraafiga aduunka!!

Buugga waxaa ku xusan wax badan oo Juquraafiga aduunka, balse annigu xiligaas ma ogi ma diyaarad baan saarnaa, ma xafiis baan dhex fadhiyey, ma badda dusheeda ayaan dooni dalxiis ku maraayey, mise gaarigeygii yaraa ayaan watey oo sawir aan jirin ayey ahaayeen waxa aan tilmaamayo bal addiga meel uun ku qiyaaso!!

Waxaa xiise gaar ah igu reebey sawiro badan oo aan daawanayey iyo sida ay iyadu dhinacayga u martey iyo seddaxdii tilaabo ee miizaanka culus lahaa, wixii xiligaa ka dambeeyey daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa waxaa soo if-baxaayey culeys igu sii ziyaadayey!!

Naftu rabitaankeedu ka rumee mooyee ka reyso ma leh. annigoo maahsan, mise waxaa la ruxay kursigii aan ku fadhiyey!! ma fileyn in gadaal la iiga imaan doono. sidoo kale ma fileyn in waxa ii shidan ay qasmidoonaan, mise waa iyadii oo leh i hogaami!!

Naxdin darteed kursigii baan ku dhegay, dhaayo  mooyee dhawaaq iyo dhaqaaq ma leh, dheguhu waxay maqlayaan dhawaaq dhadhan leh, laabtu waxay dareemeysaa xat xato ama lulasho leyr macaan leh oon laaluush lagu bixin!!

Yaa Salaam Ma Sii Wadaa, Mise Waaban Joojiyey.
Intaas waxaa inoogu egg barnaamijkeenii bulsho iyo baashaalkeeda iska fiiri yaan lagu jururucoon maha!! addlee mo'ohoooooooooooooooooo!!??



No comments:

Post a Comment