Thursday, November 5, 2015

BOCOREEY BOQOL SANNO KU DHAWAAD AYEY BIKRO AHAYD!!!

Waxay ku dhalatey barriga Afrika, waxayna ka soo jeedaa qoys ilaahay ku maneystey hanti, xikmad iyo xarun nafleyda dunida oo dhan jecelyihiin. iyaduna waxay lahayd qurux aad u dhameystiran taasoo ay kaga duwan tahay hablaha kale ee aynigeeda.

Waxaa la dhashey wiilal iyo gabdho tookhoodu sareeyo, bani'aadamka ilaahay  abuurey wuxuu leeyahay labb iyo dhedig, mid kasta goonidiisa uma noolaan karo hadduusan midba midka kale ku tiirsaneyn calaashaan aysan meel ku wada nooleyn. Sababtoo ah, ninka ragga ah iyo haweeneyda mid koodna ma dhameystirna ilaa ay reer qura wadayeeshaan.

Insaanku haddii uu qaan gaaro, qorsheyaal badan ayuu ku fikiraa, qaar waa hawl sugeysa sannadaha noloshiisa ka dhiman, qaar waa kuwa uu xiligaas joogo, halka kuwa kale ay yihiin kuwa uu ka soogudbey casharadii uu ka bartey sidii uu u xifdin lahaa. balse haddii aadan ku baraarugsaneyn laga yaabe inaadba noloshii dhameydba aad khasaarisey ama aad dhumisey wanaageed.

Bocoreey, markey banaanka u soo baxdo, bidhaanteeda guud iyo baatirnimadeeda bulshadii arragta, mid kasta booska uu joogiyo ayuu ka bururaa baashaalkii ay ku jireena badi wayba joojiyaan. waxay sidaa ahaataba Bocoreey bariba berri ayuu u dhiibey bilicdii ay lahaan jirtey barbaa ka luma, waxaa qayirmey quruxdeedii dhinac kasta.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo socota hawdka, isla markaana iska mushaaxaysa ayaa koox kurayo ah soo weerartey!!, Bocoreey asalkeed waxay u dhalatey xoog, balse hadda xoogeedii wuu sii dhimanayaa mase oga, kuwa soo weerarey waxay ahaayeen funey ama dabar la bood ama kuray!!.

Kurayguna sida la ogyahay waxaa la sheegaa in uu yahay  ruuxa insaanka ah ee ilaahay abuurey,isla markaana dunidaan guudkeeda saaran kan wax walba iskala weyn oo aanan daalin hurada iyo soojeedka ay isaga mid yihiin haddiiba uu arko wax ka duwan wixii noloshiisii hore.  lama xisaabo xoogiisa, xikmadiisu oo waa mid gebi-dhacleyneysa waxa uu sida saxda ah uga fikiro wayba yar yihiin.

Kurayadii seddax bey dhulka dhigtey, balse mid kuusan baa sidii koortii oo kale iska luley dhabarkeeda dambe!! Ogoow BOCOREEY BOQOL SANNO KU DHOWAAD AYEY BIKRO AHAYD xiligaas!!





No comments:

Post a Comment