Sababtoo ah, shacabka soomaaliyeed wuxuu leeyahay dhaqan soo jireen oo uu ku xaliyo mush-kilad xilyeedka aduunka soomarey iyo kuwa taagan xiligan, mana ahan shacab colaadeed oo dunidu way ogtahay. Daliilnaa waxaa inoogu filan tan iyo qarnigii 14-aad ilaa qarnigii 19, dalka iyo dadka soomaaliyeed waa lagu sooduulayey ilaa xiligan aynu joogno duulaan baa lagu yahay. dadka soomaaliyeed cid gaar ah oo ay ku duuleen ma jirto habeen iyo maalin waxay ku jiraan is-difaac joogto ah.
Waayo, sidee Al-shabaab dunidu awood
ku siisaa iyadoo aan beena laga sheegin xaqiiqooyinka jira akh-riste mac-quul ma kula tahay
in dunidu ay ka awood badan yihiin Al-shabaab!!?? Haddii jawaabtaadu ay tahay
may, sax ma ahan. Sababtoo ah, Al-shabaab dunida ayaa awood siisa.
Xaqiiqadu waxay tahay, haddii qarax
meel ka dhaco ama qof siyaasi sare ah lagu dilo meel ama la af-duubto ama
duulaan meel lagu qaadey intuba waxaa sheegta Al-shabaab duniduna way ka
ogolaataa!! Haddana markaad si guud iyo si gaar ah u eegto, waxaa kuu soo
baxaya sawir ka duwan waxaas la sheegayo. ileen dilalka dhaca, qaraxyada, weerarada, wararka warbaahintu ay tebiso, markaad si qoto dheer u dhuuxdo waxay sawir buuxa ka bixinayaan falalka amaan dero ee ka socda dalka soomaaliya.
Aan ku xasuusiyo dhowaan gudiga dabagalka ee cunaqabateynta hubka dowladda soomaaliya oo dhowaan warbixin ay ka qoreen soomaaliya warbaahintu soo xiganeysey ,weerarada ay geystaan Al-shabaab ee dhinaca Hoteeladda bal dib u dhuux!! tan kale haddii dowladaha danaha is-tiraatiijiyadeed ka leh dalka soomaaliya ay arkaan khubaro soomaali ah oo danahooda ka soo horjeeda, waxaa si deg deg ah loogu fuliyaa dil toogasho ah ama qarax sida aan ku hayno ilo wareedyo kala duwan. sidoo kale, haddii dil aar goosi uu dhaco, isla markaana dilkaasi lagu fuliyo shekh-si khabiirada soomaaliya ka tirsan, waxaa sheegta Al-shabaab.
Xiliyadii hore ee dowladii dhexe, haddii shekh-si siyaasi ah uu dowladda ka soo horjeesto ama mucaarado ama lagu helo dembi ka dhan ah dowladda, dowladu waxay ku xukumeysey xariga, ganaax, shaqo ka fariisin, dil IWM, laakiin Hogaamiye kooxeedyadii, dowladihii KMG-da ahaa iyo dowladda xiligan jirta waxaa lagu xantaa in hawshooda ay tahay qaarajin!!, kadibna Al-shabaab ayaa sheegta.
Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dalka soomaaliya ku sugan, waxay ku joogaan qandaraas, iyaguna wixii qandaraaskooda wax u dhimaya ma ogola in ay sii eegtaan, marka intaas la isu geeyo falalka ay geystaan oo wixii dhan ay sheegtaan Al-shabaab maxaa kuu soo baxaya!!??

Akh-riste bal addiga is-weydii arrintaas ma
kula tahay wax mac-quul ah!!?? Sidoo kale markaad is-weydiiso jawaabta kuu soo
baxda haddana miizaan saar oo sax ma kula tahay!!??
Hadaba jawaabtaadu sow noqon meyso SIDEE
AL-SHABAAB DUNIDU AWOOD U SIISAA IYADOO QARAN SOOMAALIYEED JIRO!!??. Dalka, Dowladda iyo shacabka soomaaliyeedna
u bahdishaa!!??.
Marka ay jawaabtaasi kuu soo baxdo,
maxay tahay waxa maskaxdaadu ku soodhacayo!!??.
Ficliyan arrinkaasi sax ma ahan,
Duniddaa awood siisa Al-shabaab, xaqiiqaduna waxay tahay, Al-shabaab kama tiro
badna shacabka soomaaliyeed, kamana xooga badna ciidankii gumeystaha ahaa ee
dalka iyo dadka soomaaliyeed kala qaybsadey qarnigii 19-aad. Shacabka soomaaliyeedna kama aqoon yara soomaalidii
xiligaa nooleyd iyo hogaamiyayaashooda, balse waxaa jira dano siyaasadeed oo
midba si wax loogu sheegayo madaxda maqaar saarka ah ee ka taliya deegaanada
soomaaliya.
Haddii qofkii la dilo loo saariyo
Al-shabaab, kuwii wax qarxiya loo saariyo Al-shabaab, kuwa soo duuley loo
saariyo Al-shabaab, dalkuna ay joogaan ciidamo Ajnabi ah iyo kuwo soomaaliyeed, isla markaana wali la sii dalbanayo ciidamo kale iyo dhaqaalo hor leh, micnaha ujeedkaasu annigu ma garanayo ee waxaa garanaya dowladaha dunidda. Waxaan
qoraalkeygan yar ku soo koobayaa SIDEE AL-SHABAAB DUNIDU AWOOD U SIISAA IYADOO
QARAN SOOMAALIYEED JIRO!!??.
No comments:
Post a Comment