Monday, November 2, 2015

SHABEELKU SHAATIGII BOQORKUU SITAA!!!

Xayawaanka Shabeelku, wuxuu ilaahay siiyey qurux ka duwan noolaha afarta addin leh, haddana marka si guud loo eego wuxuu u egg-yahay Libaax mase ahan. mid ka mid ah boqoradii hore, ayaa Shabeel hadiyad loogu keeney!! xiligaas shabeelku ma ahayn mid sidaa u weyn oo magaca shabeelka keliya ayuu watey.

Markii boqorkii la wareegey haddiyadii, ayaa wuxuu ku xirtey meel aan isaga ishiisa ka fogeyn, halkaan baa mudo sannado ah lagu xanaaneyn jirey, markii uu soo xoogaabey, boqorkii wuxuu amar ku bixiyey in il gaar ah laga hayo oo la ilaaliyo si aan loo xadin.

Boqorku aad buu u jeclaa Shabeelka, sababtoo ah, xiligii uu yaraa boqorku wuxuu u gelin jirey shaarkiisa kadibna dhabta ayuu saaran jirey!! dadku markey agmarayaan waxay dhihi jireen "  "SHABEELKU SHAATIGII BOQORKA AYUU SITAA!!!".

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa wuxuu cayrsadey wiilkii boqorka, dadkii oo dhan cid ka dhicisey ma jirto. sababtoo ah, SHABEELKU WUXUU SITEY SHAATIGII BOQORKA!! Sidaas buuna ku cuney wiilkii boqorka.

Dadkii ayaa boqorka tacsi ugu tegay, mid kasta oo u taga boqorka oo u tacsiyeeya, wuxuu yiraahdaa maalinta wiilkaaga Shabeelku cayrsanaayey, waan arkeey boqoroow kama dhicinin, sababtoo ah, SHABEELKU SHAATIGII BOQORKUU SITAA BAAN IS IRI!!.

Maxaa kaga baxay halkaas!!???

Mahadsanid

No comments:

Post a Comment