Masasku waxay ka mid yihiin qaybaha xayawaanka ee duur joogta iyo dabb joogta, waxayna leeyihiin noocyo kala duwan iyo magacyo tiro badan. qaar waxay khatar ku yihiin noolaha oo dhan, qaar kale waxay khatar ku yihiin bani'aadamka, halka kuwa kale ay yihiin kuwo aan wax u dhimin dadka.
Maska Suuxaanyada, wuxuu ka mid yahay qaybahaas aan idiin soo sheegay, badanaana wuxuu ku noolahay dhulka baadiyaha iyo dhulka tuulooyinka, waliba dhul beereedka sida badan isagu wuxuu ugaarsadaa jiirka ama dooliga hadba sidaad u taqaano. inta badan maskan wuxuu ku dhuuntaa Muska ama Bowdka hadba sida aad u taqaano.
Maskan Suuxaanyada ah, waa mas aad moodo in uu ka duwan yahay masaska kale. waayo. marka hore wuxuu leeyahay midbyo kala duwan, awoodiisa jireedna wuu ka dhuudhuuban yahay masaska kale. sidoo kale qaar aad bey u dheedheer yihiin, qaarna waa meel dhexaad. markaad arragto ugu horeyn isagoo ordaaya, waxaad moodeysaa fiilo marka uu dareemo in wax ka xoog badan ay ku soodhawaadeen, wuxuu go'aansadaa inuu si fudud uga dhex duso bowd ka bow ama laba mus wax ka yar laba il biriqsi isagoo aan hubsan in la dilidoono iyo in la deyn doono!!.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyadoo ordeysa, waxay dul istaagtey Abeeso!!, abeesadii ayaa la yaabtey oo waxay weydiisey maxaad sidaan ugu ordeysaa, xageedse ka timid!!?? waa laba su'aal oo deg deg badan oo misana ka muuqda khartnimada abeeso!!
Suuxaanyo ayaa ku jawaabtey "waxaan sidaan ugu ordayaa inaan lay dhibaateyn maadaama aan annigu dadka dhibaateynin, waxaan ka baqayaa in la ii dhibaateeyo aano loo qabo magaca Maska sida uu u dhan yahay. sababtoo ah, magaca waxaa ila wadaaga addiga oo Abeeso ah, Abbris IWM!!".
Abeeso ayaa ugu dambeyn tiri iyadoo la talineysa Suuxaanyo " SUUXAANYO JOOJI KA DUS DUSIDA MUSASKA AAN MIIZAANKAAGA QARIN KARIN!!. sababtoo ah, bey tiri musasku inta badan annigaa ku dhuunta, kumana badbaado!!. waayo, mar muskii ayaa la gubaa anna ma ordi karo, marna annigoo ku hoos jira ayaa gebi ahaanba muska laga qaadaa meesha kadibna qaar ka mid ah caruurteyda ama qoys abbeeso ah isagoo ku hoos jira marka la arko, halkaas ayaa la igu dhibaateeyaa oo sidaas baan ku ehel iyo toll beelaa, marka haddii aad dus dusida badan joojin weyso, waxaa dhicikarta in addigana aad ku gubato dambaskeyga!!"
Adlee Mo'ohoooooooooooooooo yaa kale heeeeeee!!??
No comments:
Post a Comment