Sida caadadu tahay insaanku wuxuu
in mudo ah is-ticmaalo, sida uu isaga dhaafo dhibaato weyn ayey ku tahay, gaar
ahaan dadka is-ticmaala maandooriya, balwadaha noocyadooda kala duwan. sababtoo
ah, dadkaas balwadaha leh markooda hore waxay ka mid ahaayeen dadka caadiga ah,
laakiin kadib marka uu helo jaanisyo ka badan kuwa uu haysan jirey mid ka
wanaagsan, wuxuu u gudbaa badd kale oo ka duwan kuwii hore wuxuuna bartaa
bulsho ka duwan tii hore uu ula noolaan jirey kuwaasoo bara balwado kala
gedisan.
Qofba wuxuu leeyahay balwad gaar ah
sida darawaliinta, kuwa makaanikada, kuwa hoteelada ka shaqeeya, kuwa ganacsiga
qaybihiisa kala duwan ka shaqeeya ama leh, Kabalyeeriga ama adeegaha dheh iyo
kuwa kookayaasha ama kariyeyaasha dhamaantood IWM.
Mid ka mid ah ragga kookenimada ku
raagey, ayaa ka tegay shaqadiisa kadib markii ay is-fahmiwaayeen milkiilihii
hore, in mudo markii uu shaqo la’aan ahaa ayaa wuxuu shaqo Adeege ama
Kabalyeeri ka heley maqaaxi cusub!!
Sida la ogyahay Kookuhu ama
Kariyuhu, inta badan wuxuu ku dhex jiraa jikada, inta uu ku dhex jiro
jikadaasina ma dareemo inuu cunto badan cuno, waayo. Wuxuu dhadhamiyaa raashiin
kasta oo uu karinayo biseylkiisa iyo dhadhankiisa waqti kasta oo uu meesha ku
jiro.
Qaarkood markaad si gaar ah u eegto
habdhaqankooda, waxaa jiro kuwo caado u ah markey raashiinka gurayaan in ay
dhadhamiyaan, kadibna ay u dhiibaan adeegihii ama kabalyeerigii.
Adeegahan wuxuu lahaa dabeecada
noocaas ah, maalintii ugu horeysey ee uu shaqada bilaabey ayuu balwadiisii ku
bilaabey ee wax dhadhaminta! Wuxuu u keeney ninkii dalbadey raashiinka, kan wax
dalbey isaguna wuxuu ka mid ahaa ragga was waaska badan! Marka uu arko wax uu ka
shekiyo aad buu u qayliyaa isaguna wuxuu la yimid dabeecadiisii!!
Milkiilaha maqaaxiduna waa nin aad
isula weyn oo misana lacag jecel. Heer wuxuu ka gaarey lacag jeclaantuna wax
kale iska daayee in biyaha wasakh-da maqaaxida uu dadka ka iibiyo!!
Milkiilihii Maqaaxida ayaa dhawaaqa
was waasle maqley, markii uu ka soo baxaayey xafiiskiisa, wuxuu hore u
sooqaatey baaldi biyo wasakh ay ka buuxdo oo uu doonayey in uu iibiyo!!
Markii uu fadhiga maqaaxida soo
dhex istaagey, was waasle ayaa aad u qayliyey, milkiilihii maqaaxida inta naxay
ayuu baaldigii biyaha wasakh-da ku jirey siidaayey naxdin darteed. Was waasle
inta sii xanaaqey ayuu iska sii baxay, Milkiilihii inta soo naaxay ayuu ka
dabategay Was waasle oo faraqa ku dhegey kadibna weydiistey lacagtii biyaha
daatey iyo tan raashiinka!!
Adeegihii dhadhaminta badnaa inta
raashiinkii sooqaadey ayuu sii dhadhamiyey dhowr jeer mise waxaaba ku harey…!! Labadii
nin jiq ayey isku noqdeen oo mid doonaya in uu wax iska fujiyo iyo mid wax ku
dheganba. Arrintoodii waxay gaartey maxkamad sare ee qaanuunka dalka,
maxkamadii waxay amartey in la soo xiro seddaxdooda isla markaana la baaro waxa
la isku haysto, balse mid kasta waxaa la soo ogaadey waxa uu ahaan jirey!!
Seddaxdii nin ayaa isku arkey
xabsiga xeero salkeed, mise ruux kasta wuxuu ka sheekeeyey noloshiisii hore iyo
xabsiga uu ku jiro ee xeero salkeed!! Intii ay xabsiga ku jireen, waxaa
raashiinka ay cunaan ama la siiyo dhamaa Xeero salkeed!!
Milkiilihii markii la baarey waxaa
la soo ogaadey in asalkiisa uu ka shaqeyn jirey maqaaxi isla markaana u
qaabilsanaa daadinta biyaha wasakh-da, halka was waasle isaguna uu ahaan jirey
kuwa musqulaha qoda, isla markaana marka uu shaqada ka soo baxo in mudo ah uu
suuliga ama mus-qusha ku daahi jirey si uu isaga soo mayro wasakh-dii saxarada
musqusha uu maalinkaa ka shaqeynayey. Halka ka seddaxaadna uu ahaan jirey
Kariye ama Kooke oo sidaas seddaxdooduba dabeecadaha noocaas ay ku barteen!!
Laakiin garsoorihii maxkamadda,
ayaa markii uu ogaadey arrinka seddaxda nin, kiiskoodii dib u dhigey si uu
laaluush uga qaato!!
Sidaas darteed waxaa jira siyaasiin
balwado noocaas leh oo dalka iyo dadka soomaaliyeed wareeriyey, mid kasta oo
xilka baneeya wuxuu isku dayaa in uu qaso kan kale ee kaga dambeeya, halka kan
haya xilkuna uu la mid yahay milkiilaha maqaaxida!!
(C) Maxamed Macallin Cismaan (All-man) USA
No comments:
Post a Comment