Wednesday, October 21, 2015








                                            BISAD MAGAALO BUUQ BADANAA!!

Sida aynu ognahay Bisaduhu waxay ka mid yihiin xayawaanka debb joogta, in kastoo ay jiraan in yar oo dibad joog ah, haddana bisaduhu waxay caan ku yihiin inay isugu yimaadaan meelaha dhiiga xoolaha ama is-ticmaalka hilibka xoolaha, mana jirto cid gaar ugu yeerata, haddana meel kasta ama jeero kasta waxaa ka soo jeesta oo taagan bisad magaalo.

Haba taagnaatee waxay qaylineysaa ama way dhawaaqaysaa, ha dhawaaqdee, hal meel toos uma fariisato, yeysanba fariisane wey bood bood badan tahay oo kolba meel ayey fuuleysaa iyadoo qaylineysa!!

Dadka qaarkii inay xanaaqaan ayey waxyeelo gaarsiiyaan, halka qaarkood iska eega keliya uun. bisadaasi waxaa jira xili loo baahdo waana xiliga xaafadaha la degan yahay uu ku dhasho dooli ama mas.

Marka sidaas si la mid ah waxaa jira dad kooxo Bisad Magaalo dhaqankeeda leh oo aan waxba kuu qabaneyn oo meel kasta ka muuqda!!.



































No comments:

Post a Comment