Thursday, October 29, 2015

LAFO DUX LEH IYO KUWO QALALAN YAA ARKEY!!??

Lafuhu waxay qurxiyaan ama toosiyaan inta badan noolaha dunida noocyadooda kala duwan qaab dhismeedkooda jireed, hadana inta badan noolahan waxay leeyihiin lafo kala duwan kuwaa soo la arko markey dhintaan xayawaanada kuwooda xamaarta berriga iyo biyaha, kuwa adimada leh iyo kuwa duula intaba waxay leeyihiin  qaab dhismeed lafo gaar ah.

Lafaha xoolaha, kuwa duur joogta ee hilibkooda lacuno, bani'aadamku waxay u leeyihiin faa'iidooyin kala gedisan, gaar ahaan dowladaha ku hormarey warshadaha. marka laga reebo warshadleyda dowladaha caalamka, haddana waxaa jira qaybo ka mid ah dugaaga iyo qaar ka mid shimbiraha oo xiliyada qaar noloshooda ku tiirsan tahay.

Waraabuhu xiliyada jiilaalkii wuxuu cunaa lafaha, Eeyguna xili kasta oo uu joogo haddii uu arko laf  duxaysa kamadeyriyo. sidoo kale, Cantalaay ama Xantalaay midkaad doonto dheh isaguna laf nooc kasta ay tahay madaayo waliba isagu waxaa u dheer in ilaahay u sahley lafta nooc kasta oo ay tahay wuu iska laqaa!!.

Maalin maalmaha ka mid ah Cantalaay ama Xantalaay isagoo raadinaayo laf, ayaa siduu u socdey wuxuu dhex galey qoysas reer guuraa badan, kadib wuxuu bilaabey inuu wax badan oo lafo ah ka aruursado ileen isaguna waxaa dhinac ka haya jiilaalka!!, laakiin qaar ka mid ah qoysaskii reer  guuraaga ahaa wiilashooda ayaa u tash-tey! waxay go'aansadeen iney qabtaan.

Sababtoo ah, dhowr berri ayey reeraha dhexdooda ka eryeen, isaguna naf baa hayso oo waxaa lagu jiraa xili jiilaall ah, waayo. xiliyadaas dadka xoolo dhaqatada ah, xoolahooda qaar baa abaar darteed u bakh-tiya, qaar baa xoolahooda qasha, qaar baa xoolaha markii la ogaado in uu dhimanayo gowracda sababo cudur ama abaar darteed. halkaasna waxaa ka soobaxa lafo badan oo aysan is-ticmaaleyn dadka reer guuraaga ah oo wey iska daadiyaan. Marka lafahaasi waxaa ku nool sida aan kor idiinku soo xusey Dhurwaaga ama Waraabe, Eeyga iyo Cantalaay ama Xantalaay.

Marka dhalin yaradii waxay soo aruuriyeen lafo badan, kadibna waxay taxeen ilaa iyo seddax meyl, laba ka mid ah ayaa waxay ku xireen xariga laga sameeyey boqonka Geella oo xoogaa way isku daba xireen, kadibna geedbey ku xireen labadii lafood oo wey ka fogaadeen oo sheeda ayey ka eegayaan!!.

Dhalin yaro baadiye wax ka dhib iyo fowdo badan. Shimbirkan ama Xan talaaygan waa bahal lugo dhaadheer leh oo misana sida Geela iyo Gerriga u talaabsado oo wuuw dheereeyaa.   koox shibirkaas ka mid ah ayaa lafihii jaanis u heshey in ay soo gurbiyaan!! sidey usoo kala  boobayeen, waxaa la yimid xaafadihii reeruhu ay daganaayeen!!, war Cantalaayoow maad ka joogtid!!.

Laba ka mid ah kooxdii ayaa isku garbiyey labadii lafood ee xarigu ku xirnaa, meesha khiyaano ayaa ku jirta, iyagu ma fahmayaan ee keliya waxaa u muuqda lafaha!!.

1-khiyaanada koowaad lafo ayaa loo soo taxay!!.
2-Khiyaanada labaad, lafaha waxaa lagu xirey boqonka geella ama feysha geella oo la isku dabaxirey, lagama dareemayo waxani in siriq ay tahay, waayo. waxa oo dhan ayaa ah lafo iyo laf kaab ama hilib asalkoodu yahay dheh!!.
3-Khiyaanadda seddaxaad xarigu geedd addag baa lagu xirey!!.

Cantalaayguna lafta sideeda ah ayuu iska liqaa inta badan oo iskumaba dhibo jejebinteeda!!, kii ugu horeeyey ayaa qaatey mid oo wuu liqay iyadoo xarigeeda wadata!! tii labaad buu damcey in uu u boodo mise waxaa ku dhegay kii kale balse ma qaybsanto oo kooda waa in uu u haraa meesha!!

Intii uusan dagaalka labad Cantalaay bilaaban, waxaa qosol iyo fowdo bilaabey dhalin yaradii oo wey ceyriyeen mise mid baa meesha ku harey oo laftii dhuunta u taagan tahay, tii kalena afka ayuu ku haystaa!! Ileen isagu shaqadiisa waxay ahayd LAFO DUX LEH IYO KUWO QALALAN YAA ARKEY!!?? wuuna heley!!.

Laakiin maxaa meesha ka dhacay!!??
Kooxdii Dhalin yarada ahayd, ulo ayey soo goosteen si ay u tumaan oo u dilaan!! isaguna Ilaahay wuxuu u sameeyey warshad dabiici ah oo wax shiida!! intey ku jiideen ayuu hore u raacey markii ay damcaan in ay ull ku dhubtaan, haraati ayuu u dhigaa ama baalkiisa ama kor ayuu u boodaa!! laftii hore wuu liqay tii kalena wuu liqay!!

Sidii ay u qash qashayeen ayuu hal mar kor u boodey mise waaba duuley isagoo xarigii dheeraa aan wadan!! mise dhalin yaradii ayaa kor u eegtey oo wali wey eegayaan!!

Adlee mo'ohoooooo!!??


No comments:

Post a Comment