Monday, November 9, 2015

GACAN MA ISIIN KARTAA!!??

Eraygan gacan ma isiin kartaa, mar waa su'aal, marna waa suryo saaqeed sodonka sanno ee soo socda!.

In mudo ah dadka soomaaliyeed waxay sheegayeen dhibaatooyin kala duwan oo laga dhex wado dalka iyo dadka soomaaliyeed, kuwaasoo leh kuwo si cadaan loola socdo iyo kuwo qarsoon.

Dadka wada arrimahan intooda badan markii si guud iyo si gaar ah loo baarey, waxaa la ogaadey intooda badan in ay yihiin shelay kooyto iyo shilin maal shirko noqdey.

Markii hore is-ma aqoon oo is-mana arki jirin, laakiin mid kasta markii ay sii dabadheeraatey xaalada soomaaliya ka jirta, wuxuu u baahdey in uu gacan weydiisto midba midka kale, iyadoo wax hore loogu balamey saysan jirin.

Sheekaduna waxay ku bilaabatey GACAN MA ISIIN KARTAA!!?? jawaabihii la is-weydaarsadey waxay noqdeen waxa hadda dalka iyo dadka soomaaliyeed ka socda. sheekaduna wali fari kama qodna oo waa ka sii sall-baraalar tahay.

Anniga in mudo ah, ayaan arrimahan ka hadlaayey oo waan dabataagnaa, awoodeyda waxay noqotey inaan qaab sarbeeb ahaan u sheego. sababta keenteyna inaan sidaas ku sheego ma ahan cabsi ii gaar ah,balse waxay ahayd mid aan u baqayo dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ay daashatey dirirta dibiro weynta ee daabka isu sita.

Waxaa i xanuujinaaya, Erayo aan marna ka fileyn nin aan saaxiibo nahay, isla markaana waligeen isku dhinac wax ka wada eegi jirney ayaa wuxuu igu yiri "Saaxiib All-manoow runta makuu sheegaa anniga?" kadib waxaan su'aaley maxay tahay runta aad sheegeyso? wuxuu iigu jawaabey "saaxiib qabiiladii soomaaliyeed qaarkood waxay dhisteen maamulo sidaad ogtahay, maamul kastana wuxuu colaad soo jireen ah u hayaa maamulka kale, xalkooduna wuxuu noqdey iney ku diriraan sooohin beeleed iyo wax ka sii liita in mudo ahna wey socotey oo waad ogtahay hadda waxaa ku soo kordhey laba shey oo kala ah.

1-In beel kasta ay dhisato maamul si beesha kale aysan cudud militeri iyo mid dhaqaale ugu muquunin.

2- Tan labaad waxay tahay beelihii maamulada dhistey, waad ogtahay haddii shekh-si ka mid ah dadka deegaankaas ka soojeedo ama ku hayb ah uu khalad ka galo dowladda ama muwaadin kale ee soomaaliyeed oo la xiro, hore waxaa loo ogaa in ay qaylo dhaan afka furanayaan maamul beeleedkii, hogaamiyeyaashooda, caaqiladooda, culimadooda, haweenkooda meel kasta oo ay dunida ka joogaan ama haddii dowladdu ay qaado tilaabo aysan iyaga faraxgelineyn, buuq ayey af labadiisa daan qayliyaan taasi waa la ogaa.

Maanta waxaa soo kordhey, In beesha Hawiye oo aad ogtahay in mudo ah aysan wax ku heshiinin, haddii maanta aad wax ka sheegto Xasan Sheekh Ama Galmudug, shekh-siga ugu horeeya ee agtaada fadhiya ayaa kugu bilaabaya colaadin. beesha hawiye iyo digil iyo mirifle, waxay ahaayeen beelaha keliya ee laga dhaadhicin waayey in dalka la kala qaybiyo maanta iyagii ayaa ogolaadey oo wax walba dadkii kale kaga hormarey ee marka saaxiiboow sheekadu way kharaar tahay". ayuu yiri

Marka dadka soomaaliyeed ANNAGU, GACAN MA ISA SIIN KARNAA!!??

MAHADSANIDIIN

Saturday, November 7, 2015

SHAR WADAA KU LEH SHIBB DHEH!!

Shar wade sharaxaad uma baahna sidaan filaayo, sababtoo ah. wuxuu wado oo dhan ayaa shar ah.
Mid ka mid ah musharixiintii dalka soomaaliya soomarey mudadii burburka, ayaa mudooyinkii ugu dmbeeyey wuxuu la soo shir tegay in wax kasta nabad lagu raadiyo, isla markaana laga aamuso wax-yaabaha keenaya ama abuuri kara khalkhalka.

Isagu waa ninkii ka shaqeeyey in aduunyada oo dhan ka dhegeysato in gobolada woqooyi galbeed ee soomaaliya ay ka go'een dalka intiisa kale. waa ninkii ka shaqeeyey in ay abuurmaan maamul goboleedyada. waa ninkii ka shaqeeyey in koofurta soomaaliya ay ku xoogeystaan wadaadadiii hubeysnaa, waa ninkii ka shaqeeyey dhismaha hogaamiye kooxeedyadii ka jirey dalka soomaaliya, gaar ahaan koofurta soomaaliya.

isagoo intaas oo shar dhismahooda wax badan ku lahaa, ayaa haddana wuxuu u maanta u ololeynayaa yaan la hadlin oo wixii khalad ah ee jira yaan kor loo qaadin wixii wanaagsan keliya halaga hadlo!!

haddaba waa su'aale ninkaas waxa uu arkey maxay tahay xiligan muxuuse u dan leeyahay, addigase ninkeed ku tilmaami lahayd!!??


Mahadsanidiin

Thursday, November 5, 2015

BOCOREEY BOQOL SANNO KU DHAWAAD AYEY BIKRO AHAYD!!!

Waxay ku dhalatey barriga Afrika, waxayna ka soo jeedaa qoys ilaahay ku maneystey hanti, xikmad iyo xarun nafleyda dunida oo dhan jecelyihiin. iyaduna waxay lahayd qurux aad u dhameystiran taasoo ay kaga duwan tahay hablaha kale ee aynigeeda.

Waxaa la dhashey wiilal iyo gabdho tookhoodu sareeyo, bani'aadamka ilaahay  abuurey wuxuu leeyahay labb iyo dhedig, mid kasta goonidiisa uma noolaan karo hadduusan midba midka kale ku tiirsaneyn calaashaan aysan meel ku wada nooleyn. Sababtoo ah, ninka ragga ah iyo haweeneyda mid koodna ma dhameystirna ilaa ay reer qura wadayeeshaan.

Insaanku haddii uu qaan gaaro, qorsheyaal badan ayuu ku fikiraa, qaar waa hawl sugeysa sannadaha noloshiisa ka dhiman, qaar waa kuwa uu xiligaas joogo, halka kuwa kale ay yihiin kuwa uu ka soogudbey casharadii uu ka bartey sidii uu u xifdin lahaa. balse haddii aadan ku baraarugsaneyn laga yaabe inaadba noloshii dhameydba aad khasaarisey ama aad dhumisey wanaageed.

Bocoreey, markey banaanka u soo baxdo, bidhaanteeda guud iyo baatirnimadeeda bulshadii arragta, mid kasta booska uu joogiyo ayuu ka bururaa baashaalkii ay ku jireena badi wayba joojiyaan. waxay sidaa ahaataba Bocoreey bariba berri ayuu u dhiibey bilicdii ay lahaan jirtey barbaa ka luma, waxaa qayirmey quruxdeedii dhinac kasta.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo socota hawdka, isla markaana iska mushaaxaysa ayaa koox kurayo ah soo weerartey!!, Bocoreey asalkeed waxay u dhalatey xoog, balse hadda xoogeedii wuu sii dhimanayaa mase oga, kuwa soo weerarey waxay ahaayeen funey ama dabar la bood ama kuray!!.

Kurayguna sida la ogyahay waxaa la sheegaa in uu yahay  ruuxa insaanka ah ee ilaahay abuurey,isla markaana dunidaan guudkeeda saaran kan wax walba iskala weyn oo aanan daalin hurada iyo soojeedka ay isaga mid yihiin haddiiba uu arko wax ka duwan wixii noloshiisii hore.  lama xisaabo xoogiisa, xikmadiisu oo waa mid gebi-dhacleyneysa waxa uu sida saxda ah uga fikiro wayba yar yihiin.

Kurayadii seddax bey dhulka dhigtey, balse mid kuusan baa sidii koortii oo kale iska luley dhabarkeeda dambe!! Ogoow BOCOREEY BOQOL SANNO KU DHOWAAD AYEY BIKRO AHAYD xiligaas!!





Monday, November 2, 2015

MAHAD-CELIN KU SOCOTA AKH-RISTAYAASHEYDA

Marka hore iga gudooma salaan kal iyo laab ah, marka xiga waxaan si gaar ah idiinkaga mahad-celinayaa taageerada aad ii muujiseen iyo dedaalka dheeraadka ah aad gelisaan qormooyinkeyga fikriga ah ee noocyada kala duwan leh iyo kuwa kale ee aan idiinla wadaago.

Marka xiga waxaan idiinka codsanayaa Qoraagu wuu khaldaa, akh-ristuhu wuu saxaa ee wixii khalad ah ee aad arragtaan in la iga caawiyo. tilaabo kasta oo la qaado waxay leedahay faa'iido iyo khasaaro. mararka qaar khasaaraha nafsad ahaantiisa ayaa faa'iido noqda.

Sababtoo ah, addiga haddii uu khasaare kuugu fadhiyo, bulsho kale oo badan ayuu faa'iido ugu fadhiyaa, marka is-dhaafsiga fikraduhu waa muhiim.

Waan ogahay inaad kala joogtaan dalal badan oo caalamka ah, haddana markii aan si gaar ah u eegey akh-ristayaasha ugu badan waxay ku nool yihiin toban dal sida United State, Russia, Slovakia, Ireland, Portugal, Somalia, United Kingdom, Ethopia, Kenya iyo Singapore.

DOWLADIHII KMG-DA AHAA MA LAHAAYEEN NATIONAL SECURITY SERVICE, MISE WAXAY LAHAAYEEN KUWO SHEKH-SIYAAD?!! Sababaha Dilka Wariyayaasha Soomaaliyeed.

DOWLADIHII KMG-DA AHAA MA LAHAAYEEN NATIONAL SECURITY SERVICE, MISE  WAXAY LAHAAYEEN KUWO SHEKH-SIYAAD?!! Sababaha Dilka Wariyayaasha Soomaaliyeed. 

In mudo ah waxaa socda ka hadalka  ugaarsi khaas ah ee lagu hayo wariyayaasha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaadna moodaa in dilka wariyayaashu uu  bixinayo sawiro kala duwan oo u bahaan in si dhab ah looga hadlo kuwaasoo si cad u muuqanaya. Sababtoo ah, waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa marka hore Qaranimadii Soomaaliya, Nolosha iyo xaaladaha kala duwan ee la soogudboonada shacabka soomaaliyeed iyo rajadii degenaashaha dalka iyo dadka soomaaliyeed ee la filaayey oo ceel ku sii dhacaysa haddii la aamusiyo. Sababtoo ah dilalka wariyayaasha soomaaliya waxa badiyey waxay tahay,

1-     Marka hore dhibaatada ugu weyn waxay tahay dalka kama jiraan wax la yiraahdo NATIONAL SECURITY SERVICE,   dhimashada arintaasi waxaa sababb u ahaa dowladihii KMG-da ahaa ee soomarey dalka ayaa ceel dheer ku ridey oo waxay dhisayeen keliya wax wax dila ee ma dhiseyn wax ammaanka dalka iyo dadka soomaaliyeed suga.

2-     Waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay dalka dhaxal-siiyeen waxaa ka mid ahaa ma lahayn NATIONAL SECURITY SERVICE, waxaana wax lala yaabo ah in Madaxweynuhu uu lahaa NSS u gaar ah, Ra'iisul wasaaruhu sidoo kale, wasiirada warkooda daa, xildhibaanada waxay lahaayeen sidaas oo kale, NSS-ta guud ee dalkuna waxay wadatay shaqo u gaar ah, cid kasta waxay doonta ayey xirasay oo dileysay, taasina waxay keentey in maamulka bannaadir uu isna yeesho NSS u gaar ah, iyadoo si hoose hore loogu xaman jirey hogaamiye kooxeedyadii, ganacsatadii la jaalka ahayd iyo beelihii hubeysnaa ee ka jirey koofurta soomaaliya qaarkood in ay leeyihiin NSS u gaar ah, sidoo kale maamulada kala duwan ee ka hanaqaadey dalka soomaaliya mudadii dowlad la’aanta iyaguna waxay leeyihiin NSSu gaar ah!!.

3-     Halkaasna waxaa ka soo baxay dhaawac weyn oo soogaarey ammaankii shacabka iyo guud ahaan dalka, taasi waxay keentey in wariyayaasha midba geestiisa ugu hanjabo oo la xiro amma si bareer ah inta loo dilo loo saariyo kooxaha ka soohorjeeda dowlada amma kooxda loo saariyey ay markeeda iska diido!!.

4-     Waxaa kale oo badiyey dilalka wariyayaashu waxay tahay, waxay hayaan xog fara badan oo dalka iyo dadka soomaaliyeed ah iyo dhamaan shaqada ka socota dalka oo waxay ilaaliyaan dhamaan qaybaha kala duwan ee xuduudaha dalka, cid allaale cidii kusoo xadgudubta waxay uga hortagaan si cadaan ah oo aan mugdi ku jirin, taasina  ma farax geliso kuwa ku soo xadgudbey xuduudaha dalka soomaaliya oo waxay dhalisaa in sirdoonka hay'adaha kala duwan ee caalamka  ee sida qarsoodiga uga hawl-gala dalka soomaaliya ay si dhakhso ah ugu hortagaan cidii ka hadasha wax danahooda ka soohorjeeda.

5-     Waxaa kale oo jira NGO,syo saxaafadeed oo iska soo horjeeda oo mash-ruucoodu noqdey cid alla cidii dhibaateysa wariyayaasha, wax ka sheegoodana dhaqaalo faro badan ku hela, islamarkaana waqti badan ku bixiya, in arrimaha noocaas oo kale ay taagnaadaan si xili kasta oo lagana hadlo.

6-     Kooxda ku qaraabada magaca diinta islaamka ee Al-shabaabna waxay noqdeen kuwa dadka diinta ka saara amma u ogolaada, wax aan iyaga ahayna aysan Islaam-nimo amma muslim-nimo sheegankarin, cidii aan iyaga la shaqeyna ay yihiin murtadiin amma gaalo, haddii ay khalad galaana aan laga hadlikarin, wariyayaashuna si cad iyo si dadban ayey uga hadlaan.
7-     Sidoo kale waxaa jira wariyeyaal u shaqeeya xarun warbaahineed oo lagu sabo dhaqaalo, maadaama ay yihiin dhalin yaro dhashey bur burkii kadib, islamarkaana aysan helin daryeelkii aqooneed iyo kii wadaniyadeed, kuwaasoo u addeega kooxo gaar ah, taasina waxay badisey in sheki weyn laga qaado wariyayaasha soomaaliyeed, kadib markii la heley qaar ka mid ah oo la safan kooha ka soo horjeeda dowlada amma kuwo taageersan dowlada amma kuwo aan dowlad iyo mucaarad aan u shaqeyneyn oo la heley, inkastoo aan dhammaantood cadeymo dhab ah loo hayn.

Dhammaan qodobadaas iyo kuwo kale oo aan halkaan ku soo koobikarin waxay noqdeen kuwo sababsada wariyayaasha soomaaliyeed oo runtii ah, naftii hureyaal la hubo oo dalka iyo dadka soomaaliyeed si hagar la’aan ah ugu addeega, iyagoo intooda badan aysan ka helin xarumaha warbaahinta ee ay ka hawl-galaan nolol maalmeedkooda, taasoo iyaduna ka hadlkeeda ay u baahan tahay waqti iyo xisaabtan gaar ah. Haddaba wariyaha soomaaliyeedoow maxaa kula gudboon in aad sameyso si aad dalkaaga iyo dadkaaga ay u badbaadaan, addigana aad u hesho xuquuqdaadii.

Mahadsanidiin.

Qoraalkan waxaan ku qorey  bogeyga facebook 03/11/2012-ka waa 3-Sanno kadib annigoo jooga Caasimada Dalka Jabuuti, sheekadiina maanta wali wey taagan tahay sheekadii aan ka hadlaayey, berina maxaa dhicidoona!!??

SHABEELKU SHAATIGII BOQORKUU SITAA!!!

Xayawaanka Shabeelku, wuxuu ilaahay siiyey qurux ka duwan noolaha afarta addin leh, haddana marka si guud loo eego wuxuu u egg-yahay Libaax mase ahan. mid ka mid ah boqoradii hore, ayaa Shabeel hadiyad loogu keeney!! xiligaas shabeelku ma ahayn mid sidaa u weyn oo magaca shabeelka keliya ayuu watey.

Markii boqorkii la wareegey haddiyadii, ayaa wuxuu ku xirtey meel aan isaga ishiisa ka fogeyn, halkaan baa mudo sannado ah lagu xanaaneyn jirey, markii uu soo xoogaabey, boqorkii wuxuu amar ku bixiyey in il gaar ah laga hayo oo la ilaaliyo si aan loo xadin.

Boqorku aad buu u jeclaa Shabeelka, sababtoo ah, xiligii uu yaraa boqorku wuxuu u gelin jirey shaarkiisa kadibna dhabta ayuu saaran jirey!! dadku markey agmarayaan waxay dhihi jireen "  "SHABEELKU SHAATIGII BOQORKA AYUU SITAA!!!".

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa wuxuu cayrsadey wiilkii boqorka, dadkii oo dhan cid ka dhicisey ma jirto. sababtoo ah, SHABEELKU WUXUU SITEY SHAATIGII BOQORKA!! Sidaas buuna ku cuney wiilkii boqorka.

Dadkii ayaa boqorka tacsi ugu tegay, mid kasta oo u taga boqorka oo u tacsiyeeya, wuxuu yiraahdaa maalinta wiilkaaga Shabeelku cayrsanaayey, waan arkeey boqoroow kama dhicinin, sababtoo ah, SHABEELKU SHAATIGII BOQORKUU SITAA BAAN IS IRI!!.

Maxaa kaga baxay halkaas!!???

Mahadsanid

Sunday, November 1, 2015

ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM HADRAWI "SUUGAANTU WAA INEY ADKAATAA OO MACNO LEEDAHAY!!"

Ilaahay ha u naxariisteen Saaxiibkeey Abdishakuur Mire Aadan oo aan hadda ka hor si hoose u sheekeysaney, ayaa wuxuu igu yiri "saaxiib addiga sarbeebta ayaad dadka ku diyaashe maad ka deysid?"

Anna waxaan ugu jawaabey saaxiib qashin kasta oo facebook ku jira, haddii aad si fasiix ah ama soomaalinimo aad u hadasho, wuxuu la soo boodayaa...!! marka anniga waxaan go'aansadey inta soomaalinimada la isaga imaanayo wixii ii gaar ah inaan si sarbeeb ah bulshada ugu gudbiyo.

Waayo, waxaa dhicikarta in kuwo naxariis daraneyaal ah ay ka faa'iideystaan, marka intey is-weydiinayaan oo wax isu-geynayaan soomaaliga dhabta ah haka faa'iideysto ayaan is iri.

Hadda ka hor mar aan wareysi gaar ah la yeeshey abwaanka weyn Maxamed Ibraahim Hadrawi, su'aalo aan weydiiyey oo dhinaca sarbeebta u badnaa suugaantiisa, mar uu ka jawaabayey wuxuu yiri "Suugaanto waa iney adkaataa oo macno leedahay...!!" sidaas darteed dadka is-waalayoow keligaa waalo wareer waaye, halagula waasho wanaag waaye.

Mahadsanidiin